Home » Maxaa Cusub » Goolhayihii Ka Dambeeyay Inuu Dhinto Akli Fairuz Oo Ka Xun Wixii Dhacay + Sawiro

Goolhayihii Ka Dambeeyay Inuu Dhinto Akli Fairuz Oo Ka Xun Wixii Dhacay + Sawiro


Akli Fairuz

Goolhayihaha reer Indonesia Agus Rohman kaas oo ka dambeeyay inuu dhinto weeraryahankii kooxda Persiraja Banda ee Akli Fairuz kadib markii goolhayahaan uu caloosha ka haraatiyay xidigaan xili ay kubad ka dhaxeysay.

Akli Fairuz ayaa ku geeriyooday Isbitaalka kadib markii loola cararay iyadoo dhaqaatiirtu ay sheegeen iney wax weyn ka gaareen Mindhicirada.

Si Kastaba goolhayihii ka dambeeyay falkaan ayaa sheegay maanta inuu aad uga xun yahay wixii dhacay isla markaana uusan isaga ula kac u sameynin.

“Waan ka xumahay wixii dhacay, Muxuu ugu dhintay laadkeyga? Aad ayaan runtii uga xumahay wixii ku dhacay Akli, qoyskiisa iyo qof walbana cafis ayaan weydiisanayaa” ayuu yiri 34-jirka reer Indonesia Agus Rohman.

“Ma dareemi doono wax xumaan ah hadii eeda dhan dusha la iga saaro, waana aqbali doonaa wax walba oo la iga dhaho arintaas” Ayuu mar kale yiri Rohman.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close