David James wuxuu ka mid yahay goolhayeyaasha ugu awooda badnaa ee ebid Premiership-ka England kasoo muuqdo waxaana ilaa haatan u yaalo iskooro aan la jebinin.
Sidoo kalena 43-jirkan mudo 25-sano ah ayuu kubada cagta kusoo jiray wuxuuna xiligaas kasbaday lacago gaarayo ilaa £20m asigoo u cayaaray kooxaha Liverpool, Aston Villa, West Ham, Manchester City iyo Portsmouth balse James haatan wuxuu si rasmi ah u sheegay inuu musalifay sidoo kalena uusan wax lacag ah heesanin una baahan yahay in la garab qabto madaama ay soo wajahday xaalad isaga ka tan weyn.
Wararka ayaa intaas ku daraayo in David James sababta ugu weyn ee keentay inuu musalifo ay tahay madaama deymo badan lagu yeeshay sidoo kalena xaaskiisii ay kala tageen ay maxkamada kaga qaaday £3m, inkastoo sanadii 2005 ay kala tageen xaaskiisii Tanya hadana James waxaa ku adkaatay inuu iska bixiyo lacagihii ay maxkamada arimaha qoyska ku xukuntay haatana goolhayahan xaalad adag ayuu ku sugan yahay madaama lacagihii lagu xukumay uu iska bixiyay balse deymo ayuu la ciirayaa.
James ayaa xaaladiisa adag uga sheekeeyay wargeska The Sun wuxuuna sheegay in mushkilada ka heesato xaaskiisii hore aysan weli dhamaanin madaama Tanya ay sanadii 2005 maxkamada u xukmisay hantidii uu lahaa James oo kabneed ugu yaraan 7-waxyaabood oo ay ku jiraan guryo la iibiyo kadibna £6m oo ka mid ah hantidaas Tanya lagu wareejiyo!
Labadan lamaane waxay isku dhaleen 4-caruur ah haatana wuxuu James ku xukman inuu biilo caruurtaas inkastoo usan waxba gacanta ku heynin, hadaba xaalkiisa saluugsan halkuu ku dambeyn doonaa?