Goolhaye Victor Valdes ayaa si rasmi ah u macsalaameeyay kooxdiisa Barcelona kadib markii xidigan uu qandaraaskiisa dhamaaday inkastoo uu haatan jilibka ka dhaawacan yahay hadana Valdes horey ayuu u sheegay inuusan Barcelona qandaraas cusub u saxiixi doonin sidaa darteed xidigan ayaa dhamaanba qalabkiisa ka qaatay gudaha garoonka Camp Nou sidoo kalena qolkiisii gaarka ah ayuu iska wareejiyay wuxuuna si guud u macsalaameeyay xidigaha Barcelona ku sugan asigoo u rajeeyay nasiib wacan asiga la’aantiisa mustaqbalka dheer. Valdes ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay asigoo dhaawac ah inuu kooxdiisa ka tago balse xidigan ayaa saaxiibadiisa u sheegay inuu go’aankan mar hore gaaray sidoo kalena uusan waxba ka badali karin.
Waxaa la rajeynaa inuu naadiga AS Monaco si rasmi ah ugu biiri doono balse Victor Valdes haatan dalka Jarmalka ayuu si rasmi ah ugu guuray madaama uu halkaas ku nasan doono sidoo kalena dhaqtarkii jilibka ka qalayna uu Jarmalka ku nool yahay ugu yaraan 3-bilood ee nagu soo fool leh dalka Jarmalka ayuu ku noolaan doonaan si jilibkiisa loola tacaalo wixii markaas ka dambeeyo ayuu Monaco si rasmi ah ugu biiri doonaa, geeska kale goolhayahan ayaa goob joog u ahaa markii uu tababare Vicente del Bosque magacaabayay xidigaha xulka Spain u matali doonaan madaama uu isaga dhaawac halis ah qabo wuxuu xulkiisa u rajeeyay nasiib wacan sidoo kalena goolhaye David De Gae oo booskiisa galay isaga wuu u hambalyeeyay wuxuuna u rajeeyay nasiib wacan.