Home » Latin America » Goolhayaha Xulka Colombia Mondragon Oo Noqday Cayaaryahankii Ugu Da’da Weynaa Ee Ebid Koobka Aduunka Kasoo Muuqdo

Goolhayaha Xulka Colombia Mondragon Oo Noqday Cayaaryahankii Ugu Da’da Weynaa Ee Ebid Koobka Aduunka Kasoo Muuqdo


Colombian Keeper

Goolhayaha xulka Colombia Faryd Mondragon ayaa noqday cayaaryahankii ugu da’da weynaa ee ebid koobka aduunka kasoo muuqdo ruug cadaagan ayaa garoonka badal kusoo galay cayaartii Colombia ay 4-1 ku suul daareen xulka Japan wuxuuna Mondragon iskoorkan dhigay asigoo 43-sano iyo sedex maalmood dabcan goolhayahan waaya araga ah wuxuu iskoorkan ka jebiyay halyeegii hore ee xulka Cameroon Roger Milla kaasi oo koobka aduunka 1994 kaga soo muuqday asigoo jiray 42-sano, hal bil iyo 8-maalmood.

Prayer: Mondragon appears to offer a prayer to the sky as he prepares to come on for his 56th cap

Faryd Mondragon ayaa badal kuo galay kulankii Japan cayaarta oo socoto 86-daqiiqo wuxuuna badalay goolhayaha kowaad ee xulka Colombia David Ospina. hadafka laga lahaa ayaa ahayd in Mondragon uu iskoor koobka aduunka ka dhigo, goolhayahan waaya araga ah ayaa guud ahaan xulka Colombia u saftay 56-kulan wuxuuna xulka Colombia kala qayb qaatay koobkii aduunka 1998 waxaana lagu xasuustaa inuu qalad ku lahaa gookii laadka xorta ahaa ee uu David Beckham ka dhaliyay cayaar England ay cagta marisay Colombia, Faryd Mondragon ayaa mudo 24-sano ah kubada cagta kusoo dhex jiray wuxuuna horey ugu soo cayaaray kooxaha Independiente iyo Galatasaray haatana wuxuu ka tirsan yahay naadiga Deportivo Cali ee ka dhisan dalka Colombia wuxuuna ruug cadaagan ku faraxsan yahay inuu koobka aduunka ku yeeshay Iskoor ay aad u adag tahay in la jebiyo mustaqbalka dheer.


Close