Mario Mandzukic ayaa ka saaciday Atletico Madrid iney hanato koobka Spanish Super Cup, kadib markii ay 1-0 ku garaaceen xifaaltamayaashooda caasimadda Real Madrid kulan ka dhacay Vincent Calderon oo ahaa lugtii labaad iyadoo lugtii hore ee ka dhacday Bernabue ay kusoo idlaatay 1-1.
Griezmann ayaa madax ku caawiyay daqiiqadii 2-aad ee bilowgii ciyaarta inkastoo xidiga reer Croatia uu si qurux badan u dhameystiray isasgoo ku dhexjira sadex difaac oo Los Blancos ah.
Mandzukic ayaana dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay kooxdiisa cusub, iyo goolkiisii ugu horeeyay xili ciyaareedka cusub..
Daqiiqadii 14-aad ee ciyaarta Atletico Madrid ayaa heshay fursad markii Mario Mandzukic uu madaxa kubad ugu dhigay Griezmann kaas oo isna goosha kubad uu la beegsaday ay ku dhacday daafaca Real Madrid.
Real Madrid ayaa heshay fursadii ugu horeysay uguna qaalisaneed qeybta hore ciyaarta markii Carvajal uu kubad qurux badan u dhiibay James Rodriguez, inkastoo uu si wacan u qaabeeyay hadana goolhayaha ayaa si dhib badan uga badbaadiyay daqiiqadii 24-aad ee ciyaarta.
Daqiiqadii 25’aad ee ciyaarta tababare Diego Simeone ayaa ciyaarta laga saaray kadib markii uu madaxa ka dharbaaxay calanwadaha ciyaarta.
DAAWO DHARBAAXADII SIMEONE
Mar kale Real Madrid ayaa heshay fursad fiican markii Toni Kroos uu kubad dhexdhigay goolka Atletico Madrid, balse madax uu riday James Rodriguez kama saacidin inuu barbaro u keeno kooxdiisa.
Laba daqiiqo kadib James Rodriguez ayaa kubad farta ka saaray Gareth Bale, balse xidiga reer Wales wuxuu sameeyay isku day wanaagsan inkastoo kubada uu geesta iska mariyay.
Raul Garcia ayaa kubad xatooyo ah ka tuuray meel aad uga fog goolka Real Madrid, daqiiqadii 41’aad goolhaye Iker Casillas ayaana badbaadiyay kubad goolka u socotay.
Mar kale Raul Garcia ayaa halis galiyay Real Madrid markii uu madaxeeyay kubad koorno aheyd, kor ayeyna kaga kacday daqiiqadii 44’aad ee ciyaarta.
Waqtigii dhimashada ee qeybta hore ciyaarta James Rodriguez ayaa kubad si xariiftan ah ugu riday goolka Atletico Madrid inkastoo aysan u suuragalin inuu shabaqa la helo.
Qeybta hore ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-0 oo ay hogaanka ku heyso kooxda martida loo yahay ee Atletico Madrid, balse isku soo noqodkii kadib Raul Garcia ayaa mar kale halis galiyay goolka Real Madrid markii kubad laad xor aheyd oo dhanka bidix ee garoonka laga keenay uu si qurux badan u raaciyay lugta inkastoo ay kubada birta kaga dhacday.
Raul Garcia ayaa noqdya geesiga ciyaarta madama uu ahaa weerar caawiyaha garoonka, mar kale ayuuna u dhawaaday inuu hogaanka u dheereyo kooxdiisa daqiiqadii 56’aad ee ciyaarta.
Cristiano Ronaldo ayaa ciyaarta badal kusoo galay qeybtii dambe, daqiiqadii 61-aad ee ciyaarta ayuuna isku dayay inuu barbaro u keeno balse goolhayaha ayaa tartiib u qabsaday kubadii uu ku tuuray goolka.
Mar kaliya KOKE ayaa muuqaal kasoo yeeshay ciyaarta daqiiqadii 70-aad ee ciyaarta markii uu kubad halis galisay goolka Real Madrid ku tuuray goolhaye Iker Casillas balse waxyar ayey kor kaga kacday.
Daqiiqad kadib Ramos ayaa qalad sameeyay waxaana kubad kasoo dafay Raul Garcia oo isna usii gudbiyay Griezmann oo goolka u furnaa balse xidiga reer France geesta ayuu iska mariyay.
Dhamaadkii ciyaarta Luka Modric ayaa laga saaray markii uu qalad ka galay mid ka mid ah xidigaha Atletico Madrid, isagoo ku muteystay jaalihiisii labaad.
Ugu dambeyntiina Sergio Ramos ayaa u dhawaaday inuu barbaro u keeno kooxdiisa markii uu isku dayay inuu madaxeeyo laad uu geesta midig ka keenay Carvajal balse uma noqon.
Natiijada ciyaarta ayaana ugu dambeyn kusoo idlaatay 1-0 oo ay ku badisay kooxda Atletico Madrid taasoo la hoyatay koobkii loo taramayay.
5 Aragtiyo Ayaa Laga Bixiyay: Gool Uu Dhaliyay Mario Mandzukic Ayaa Kaga Filnaaday Atletico Madrid Iney Hanato Spanish Super Cup