Weeraryahanka Napoli Gonzalo Higuain ayaa cadeeyay inuusan waxba ka ogeyn arimaha la xiriirinaya kooxda Barcelona ee horyaalka spain sida ay shaacisay Sportsmole.
26-jirkaan reer Argentina ayaa xili ciyaareedkii hore kooxda Napoli kaga soo biiray Real Madrid wuxuuna kooxda reer talyaani u sahlay iney ku guuleysato Coppa Italia isla markaana ay muuqaal kasoo yeelato Champions League.
Haatan wuxuu ku sugan yahay Brazil isagoo xulkiisa kala qeyb galaya Koobka Aduunka ee sida habsamida leh kaga socda dalkaasi balse xidigaan heerka caalami ayaa diiday inuu ka hadlo mustaqbalkiisa tan iyo dhamaadka koobka Aduunka.
“Aniga iyo Barcelona? Waxba kama ogi arintaas waxna kama dhihi karo” Ayuu Higuain u sheegay warfidiyeenada. “Haatan kaliya waxaan ka fakarayaa Koobka Aduunka”
Gonzalo Higuain ayaa 24-gool dhaliyay xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee Napoli, 17-gool ayuuna dhaliyay horyaalka Serie A-da.
Profile