Tartanka Koobka Aduunka waa tartanka kaliya ee dhamaan daafaha caalamka laga wada sugaayo sidaa darteed waxaan maanta si gaar ah diirada u saari doonaa xulka Koonfur Ameerika ka dhisan Uruguay kana mid ah xulalka ugu awooda badan caalamka dabcan xulkan farxad gaar ah ayay dareemayaan xagaagan madaama dalka Brazil ay horey koobka aduunka ugu qaadeen waxay aaminsan yihiin in markale ciida Brazil u hiilin doonto, sidoo kale Uruguay xagaagan waxay lasoo shirtagi doonaan Luis Suarez oo haatan ah weeraryahanka ugu wanaagsan Premiership-ka England fadlan xogta xulkan oo dhameestiran hoos kaga bogo:
Macalinka xulkan waato: Oscar Tabarez 66-jirkan waa macalin afgaaban inta badan aan jecleyn inuu saxaafada la hadlo balse marnaba doorkiisa lama xaqiri karo wxuuna Uruguay ka dhigay xul awood badan lama iloobi karo in sanadii 2010 uu xulkan soo gaarsiiyay kaalimaha ugu dambeeyay koobkii aduunka ee lagu qabtay Koonfur Afrika sidaa darteed Tabarez iyo Uruguay marwalbo waa isku baahan yihiin.
Xidiga ugu muhiimsan: Luis Suarez
Xidiga dhalinta yar ee la filaayo inuu wacdaro muujiyo: Abel Hernandez waa 23-jir weerarka kaga cayaaro naadiga Palermo.
Shaxda ay xulkan cayaari doonaan: 4-1-3-2
Inta jeer oo ay koobka aduunka kasoo qayb galeen: 11
Inta jeer oo ay tartankan ku guuleesteen: 2
Line Up-ka macquulka ah oo ay koobka aduunka ku bilaaban doonaan:
Kulamada ay qaybta guruubyada cayaari doonaan: