Tartanka Koobka Aduunka bilaabashiisa waxaa ka harsan mudo 42-cisho ah sidaa darteed waxaan maalin walbo idiin soo gudbin doonaa 32-xul ee tartankan xiisaha badan ka qayb qaadan doonaan iyo diyaar garowga ay ugu jiraan dhacdada Sports ee caalamka ugu xiisaha badan, hadaba waxaan si gaar ah u falan qey doonaa xulka Spain oo ah dalka difaacanaayo tartankan qiimaha badan, sidoo kale Spain waxay heestaan xidigaha aduunka ugu tayada wanaagsan sidaa darteed xulka La Roja ma difaacan doonaan koobka aduunka madaama 2-sano ka hor ay difaacdeen tartanka qaramada Yurub:
Macalinka xulkan waato: Vicente del Bosque ma ahan shaqsi u baatan in faalo badan laga bixiyo madaama uu Spain u qaaday labo tartan oo heer caalami ah hadaba su’aasha taagan ayaa ah 4-sano ka hor madaama uu aduunka ka yaabiyay sanadkan ma doifaacan doona FIFA World Cup?
Xidigaha ugu muhiimsan: Diego Costa & Andreas Iniesta
Xidiga dhalinta yar ee la filaayo inuu wacdaro muujiyo: Koke waa 22-jir khadka dhexe ka cayaaro
Shaxda ay xulkan cayaari doonaan: 4-3-2-1
Inta jeer oo ay koobka aduunka ka qayb qaateen: 13-jeer
Imisa jeer ayay ku guuleesteen: 1
Kulamada saaxiibtinimo oo ay cayaari doonaan ka hor inta uusan koobka aduunka bilaabanin:
30 May Spain Vs Bolivia (Seville, Spain)
7 June El Salvador Vs Spain (Washington DC, USA)
Line Up-ka macquulka ah oo ay koobka aduunka ku bilaaban doonaan:
Kulamada ay qaybta guruubyada cayaari doonaan:
Holland (13 June)
Chile (18 June)
Australia (23 June)
23-ka xidig ee macquulka ah ee uu tababare del Bosque la rajeynaayo inuu ku dhawaaqi doono 13-ka bishan May u xulan doono koobka aduunka
No | Cayaaryahan | Naadi |
1 | Iker Casillas | Real Madrid |
2 | Pepe Reina | Napoli |
3 | David De Gea | Manchester United |
4 | Juanfran | Atletico Madrid |
6 | Raul Albiol | Napoli |
6 | Sergio Ramos | Real Madrid |
7 | Gerard Pique | FC Barcelona |
8 | Javi Martinez | FC Bayern Munich |
9 | Jordi Alba | FC Barcelona |
10 | Sergio Busquets | FC Barcelona |
11 | Xavi | FC Barcelona |
12 | Juan Mata | Manchester United |
13 | Xabi Alonso | Real Madrid |
14 | Andres Iniesta | FC Barcelona |
15 | Santi Cazorla | Arsenal |
16 | Cesc Fabregas | FC Barcelona |
17 | Thiago Alcantara | FC Bayern Munich |
18 | David Silva | Manchester City |
19 | Alvaro Negredo | Manchester City |
20 | Jesus Navas | Manchester City |
21 | Pedro | FC Barcelona |
22 | Diego Costa | Atletico Madrid |
23 | David Villa | Atletico Madrid |