Home » Maxaa Cusub » Gogol Dhiga Koobka Aduunka: Xulka Portugal Iyo Diyaar Garowga Ay Ugu Jiraan FIFA World Cup

Gogol Dhiga Koobka Aduunka: Xulka Portugal Iyo Diyaar Garowga Ay Ugu Jiraan FIFA World Cup


Portugal national team

Tartanka Koobka Aduunka bilaabashiisa waxaa ka harsan mudo gaaban sidaa darteed maalin walbo waxaan idiin soo gudbinaa xulalka tartankan ka qayb qaadan doonaan iyo diyaar garowga ay ugu iraan dhacdada Sports ee caalamka ugu xiisaha badan waxaana maanta si gaar ah diirada u saari doonaa xulka Portugal oo ka mid ah xulalka ugu awooda badan ee tartankan kasoo muuqaan doonaan sidoo kalena Portugal waxay ku caan baxeen tartamada heerka caalami inay kaalimaha ugu dambeeyo kasoo gaaraan sanadkana kuma sii jirto waxay wataan oo hogaamin doono laacibka aduunka ugu wanaagsan Cristiano Ronaldo oo doonayo guulaha uu kooxdiisa Real Madrid la qeebsanaayo inuu dhanka xulkiisa usoo weeciyo xagaagan!

Macalinka xulkan waato: Paulo Bento wuxuun ahan jirtay kubad bur buriye waqti fiican lasoo qaatay xulka Portugal wuxuuna si rasmi ah macalin ugu noqday xulkan sanadii 2010 macalinkan afka gaaban wuxuu ku guuleestay inuu dhiso xul awood badan waxaana naga xasuusin ah in tartankii Euro 2012 Portugal soo gaareen semi final sidaa darteed sanadkan koobka aduunka wuxuu doonayaa kaalimaha ugu dambeeyo inuu soo gaaro asigoo kaashanaayo Cristiano Ronaldo.

Xidiga ugu muhiimsan: Cristiano Ronaldo

Xidiga dhalinta yar ee la filaayo inuu wacdaro muujiyo: William Carvalho xidig khadka dhexe kaga cayaaro naadiga Sportig Lisbon

Shaxda ay xulkan cayaari doonaan: 4-3-3

Inta jeer oo ay koobka aduunka ka qayb qaateen: 5-jeer

Imisa jeer ayay ku guuleesteen: 0

Xidigahii ugu magaca dheeree ee xulkan maaliyadiisa xirteen: Eusebio, Coluna, Simoes, Jose Augusto, Torres, Jaime Graca, Rui Costa and Luis Figo.

Kulamada saaxiibtinimo oo ay cayaari doonaan ka hor inta uusan koobka aduunka bilaabanin:

31 May Portugal Vs Greece (Lisbon, Portugal)

6 June Portugal Vs Mexico (Foxborough,, USA)

10 June Portugal Vs Ireland (New Jerey, USA)

Line Up-ka macquulka ah oo ay koobka aduunka ku bilaaban doonaan:

 Portugal 2014 world cup team squad

Kulamada ay qaybta guruubyada cayaari doonaan:

Germany – June 16

USA – June 22

Ghana – June 26

23-ka xidig ee macquulka ah ee uu tababare Bento la rajeynaayo inuu ku dhawaaqi doono 13-ka bishan May u xulan doono koobka aduunka.

Xidig Naadi
1 Beto Sevilla
2 Rui Patricio Sporting
3 Eduardo FC Braga
4 Joao Pereira Valencia
6 Ricardo Costa Valencia
6 Andre Almeida Benfica
7 Antunes Malaga
8 Fabio Coentrao Real Madrid
9 Pepe Real Madrid
10 Bruno Alves Fenerbahce
11 Luis Neto Zenit
12 Miguel Veloso Dynamo Kiev
13 William Carvalho Sporting
14 Raul Meireles Fenerbache
15 Joao Moutinho Monaco
16 Ruben Micael FC Braga
17 Josue FC Porto
18 Nani Manchester United
19 Cristiano Ronaldo Real Madrid
20 Helder Postiga Valencia
21 Hugo Almeida Besiktas
22 Eder FC Braga
23 Varela FC Porto

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close