Tartanka Koobka Aduunka bilaabashiisa waxaa ka harsan mudo 32-cisho ah sidaa darteed waxaan maalin walbo idiin soo gudbin doonaa 32-xul ee tartankan xiisaha badan ka qayb qaadan doonaan iyo diyaar garowga ay ugu jiraan dhacdada Sports ee caalamka ugu xiisaha badan, hadaba waxaan si gaar ah u falan qey doonaa xulka Holland oo ah dalkii sanadii 2010 tartankan qiimaha badan laga qaaday Holland waxay doonayaan xagaaan inay iska iloobaan guuldaradii xanuunka badneed oo ah 4-sano ka hor la kulmeen waxaana laga filan karaa inay tartankan wacdaro ka dhigaan inkastoo xidigaha ay wataan ay u badan yihiin kuwo dhalin yar balse lama dhayilsan karo.
Macalinka xulkan waato: Louis Van Gaal waa maclin miisaaan culus ku leh kubada cagta sidoo kalena guulo taariikhi ah u horseeday kooxaha Ajax, Barcelona iyo Bayern Munih sidoo kalena Van Gaal waa nin falsafadiisa aad u sareeyo sidoo kalena shaxdiisa aan laga fakan karin wuxuuna ku aamanan yahay Van Gaal in xulka Holland oo haatan xidigo dhalin yar ka kooban uu si awood ku dheehan koobka aduunka ugu soo saaray hadaba hala yaabin hadii uu xagaagan caalamka ka yaabiyo.
Xidigaha ugu muhiimsan: Arjan Robben & Van Persie
Xidiga dhalinta yar ee la filaayo inuu wacdaro muujiyo: Stefan de Vrij waa 22-jir daafaca dhexe kaga cayaaro naadiga Feyenoord.
Shaxda ay xulkan cayaari doonaan: 4-3-3
Inta jeer oo ay koobka aduunka ka qayb qaateen: 9-jeer
Imisa jeer ayay ku guuleesteen: 0 balse 3-jeer ayay Finalaha tartankan soo gaareen.
Xidigahii ugu caansanaa ee xulkan usoo cayaareen: Johan Cruyff, Marco van Basten, Dennis Bergkamp
Kulamada saaxiibtinimo oo ay cayaari doonaan ka hor inta uusan koobka aduunka bilaabanin:
17 May Netherlands Vs Ecuador (Amsterdam, Netherlands)
31 May Netherlands Vs Ghana (Rotterdam, Netherlands)
4 June Netherlands Vs Wales (Amsterdam, Netherlands)
Line Up-ka macquulka ah oo ay koobka aduunka ku bilaaban doonaan:
Kulamada ay qaybta guruubyada cayaari doonaan:
Spain (13 June)
Australia – (18 June)
Chile – (23 June)
23-ka xidig ee macquulka ah ee uu tababare del Bosque la rajeynaayo inuu ku dhawaaqi doono ka hor inta uusan koobka aduunka bilaabanin:
Cayaaryahan | Naadi | Da’da | |
1 | Michel Vorm | Swansea | 30 |
2 | Tim Krul | Newcastle United | 26 |
3 | Jeroen Zoet | Eindhoven | 28 |
4 | Van der Wiel | PSG | 26 |
6 | Bruno Martins Indi | Faynoord | 22 |
6 | Ron Vlaar | Aston Villa | 29 |
7 | Daryl Janmaat | Faynoord | 24 |
8 | Joël Veltman | Ajax | 22 |
9 | Stefan de Vrij | Faynoord | 21 |
10 | Paul Verhaegh | FC Augsburg | 30 |
11 | Jetro Willems | PSV | 20 |
12 | Daley Blind | PSG | 24 |
13 | De Guzman | Swansea City | 26 |
14 | Kevin Strootman | AS Roma | 24 |
15 | Nigel de Jong | AC Milan | 29 |
16 | Wesley Snieder | Galatasaray | 29 |
17 | Rafael Van der Vaart | Hamburg | 31 |
18 | Jeremain Lens | Dynamo Kyiv | 22 |
19 | Arjan Robben | FC Bayern Munich | 30 |
20 | Robin van Persie | Manchester United | 31 |
21 | Klaas-Jan Huntelaar | FC Schalke | 30 |
22 | Dirk Kuyt | Fenerbache | 33 |
23 | Memphis Depay | PSV | 20 |
F.G: Macalin Van Gaal 20-cayaaryahan ayuu u magacaabay kulanka saaxiibtinimo oo ay xulka Hollad la cayaari doonaan xulka Ecuador wuxuuna inta badan ugu yeeray laacibiin dhalin yar oo aan waaya arag ahayn waxaana kulankan la cayaari doonaa 17-bishan balse xidigaan intooda badan ma ahan kuwa Holland koobka aduunka u matali doonaan waxayna kalayihiin:
Goolhaye: Jasper Cillessen (Ajax), Kenneth Vermeer (Ajax), Jeroen Zoet (PSV)
Daafaca: Bruno Martins Indi (Feyenoord), Daryl Janmaat (Feyenoord), Stefan de Vrij (Feyenoord), Karim Rekik (PSV), Joël Veltman (Ajax), Terence Kongolo (Feyenoord),
Khadka dhexe:Daley Blind (Ajax), Luciano Narsingh (PSV), Jordy Clasie (Feyenoord), Memphis Depay (PSV), Georginio Wijnaldum (PSV), Marco van Ginkel (Chelsea), Jean-Paul Boëtius (Feyenoord), Davy Klaassen (Ajax), Quincy Promes (Twente), Tonny Vilhena (Feyenoord),
Weerarka: Luc Castaignos (Twente)