Home » Latin America » Gogol Dhiga Koobka Aduunka: Xulka Brazil Iyo Diyaar Garowga Ay Ugu Jiraan FIFA World Cup

Gogol Dhiga Koobka Aduunka: Xulka Brazil Iyo Diyaar Garowga Ay Ugu Jiraan FIFA World Cup


Brazil

Barnaamijkeenii aan diirada ku saarno xulalka koobka aduunka ka qayb doonaan xagaagan ayaan bartanka kaga jirnaa waxaana maanta si gaar ah uga hadli doonaa xulka tartankan qiimaha badan martigalin doono Brazil sidoo kalena ah xulka aduunka ugu guulaha badan waxaa intaas usii dheer Brazil marnaba kama maqnaan cayaaraha aduunka sanadkana hadii koobkii ay jeclaayeen gurigooda loogu geeyay dabcan waxaa la filan karaa inay gacanta ku dhigaan, hadaba Brazil oo hamigeeda aad u sareeyo sidoo kalena kaashan doonto shacabkeeda ayaa rabto inay farxad ku dhameesato xagaagan, waxaan idiin heynaa diyaar garowga uu xulkan ugu jiro FIFA World Cup, fadlan hoos kaga bogo:

Macalinka xulkan waato: Luiz Felipe Scolari waa macalinkii Brazil u qaaday koobkii aduunka 2002 sidoo kalena xulkan oo jah wareersay ayuu la wareegay hogaankiisa bilawgii sanadkii hore wuxuuna xagaagii aan kasoo gudubnay u qaaday tartanka Confedrations Cup sidaa darteed ma jirto qof kaga haboon riyada Brazil inuu rumeeyo!

Xidigaha ugu muhiimsan: Neymar & Thiago Silva

Shaxda ay xulkan cayaari doonaan: 4-3-3

Inta jeer oo ay koobka aduunka ka qayb qaateen: 19-jeer iskoor marnaba kama maqnaan tartankan!

Imisa jeer ayay ku guuleesteen: 5

Kulamada saaxiibtinimo oo ay cayaari doonaan ka hor inta uusan koobka aduunka bilaabanin:

03 June Brazil Vs Panama (Goiânia, Brazil)

06 June Brazil Vs Serbia (São Paulo, Brazil)

Line Up-ka macquulka ah oo ay koobka aduunka ku bilaaban doonaan:

 Brazil Starting Lineup squad World Cup 2014

Kulamada ay qaybta guruubyada cayaari doonaan:

Croatia (12 June)

Mexico (17 June)

Cameroon (23 June)

23-ka xidig ee macquulka ah ee uu tababare Scorali la rajeynaayo inuu ku dhawaaqi doono 13-ka bishan May u xulan doono koobka aduunka

Cayaaryahan Naadi
1 Júlio César QPR
2 Victor Atlético Mineiro
3 Jefferson Botafogo
4 Daniel Alves FC Barcelona
5 Maicon AS ROma
6 Thiago Silva PSG
7 David Luiz Chelsea
8 Marcelo Real Madrid
9 Dante Bayern Munich
10 Maxwell PSG
11 Ramires Chelsea
12 Oscar Chelsea
13 Paulinho Tottenham
14 Hernanes Lazio
15 Lucas Leiva Liverpool
16 Luiz Gustavo VfL Wolfsburg
17 Bernard Shakhtar Donetsk
18 Willian Chelsea
19 Robinho AC Milan
20 Neymar FC Barcelona
21 Hulk FC Zenit
22 Fred Fluminense
23 Jo Atlético Mineiro

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close