Home » Latin America » Gogol Dhiga Koobka Aduunka: Xulka Argentina Iyo Diyaar Garowga Ay Ugu Jiraan FIFA World Cup

Gogol Dhiga Koobka Aduunka: Xulka Argentina Iyo Diyaar Garowga Ay Ugu Jiraan FIFA World Cup


 Argentina

Sanadkan waa sanadkii dalalka Koonfur Ameerika madaama FIFA World Cup lagu qaban doono qaaradooda waayo soo jireen waxaa ah in markii Koonfur Ameerika tartankan lagu qabto wadan ka dhisao qaaradan ayaa koobka la caraabo sidaa darteed reer Argentina waxay aaminsan yihiin in sanadkan nasiibka u hiilin doono sidoo kalena Lionel Messi uu ugu dambeynti hurdada ka kici doono madaama tartamada heerka caalami xidigan weli uusan mucjisadiisa kusoo bandhigin waxaa intaa sii dheer xulka Argentina haatan xiligii ugu wanaagsanaa ayuu ku jiraa madaama sanadihii ugu dambeeyay ay guulo xariir ah gaarayeen sidoo kalena xulal awood badan ayay kulamo saaxiibtinimo meel ku saareen hadaba Argentina ka filo xagaagan inay koobka aduunka wacdaro ka dhigaan.

Macalinka xulkan waato: Alejandro Sabella tababarahan xariifka ah wuxuu hogaanka Argentina la wareegay sanadii 2011 balse Sabella wuxuu ku guuleestay inu xulkan awoodiisa dib usoo celiyo sidoo kalena qaab difaac adag sameeyo kaasi oo ku dheehan kubad weerar celis ah ku dheehan, sidoo kale macalinkan waaya araga ah wuxuu kasoo shaqeeyay dalka England asigoo macalin horey ugu soo noqday naadiyada Sheffield United iyo Leeds United, sidoo kalena naadiga Estudiantes ee ka dhisan Argentina ayuu macalin u ahaa waxaana la filaa inuu xulkan guulo taariikhi ah xagaagan u horseedo.

Xidigaha ugu muhiimsan: Lionel Messi, Sergio Aguero & Di Maria

Xidiga dhalinta yar ee la filaayo inay wacdaro muujiyo: Marcos Rojo waa 23-jir daafaca kaga cayaaro naadiga Sporing Lisbon.

Shaxda ay xulkan cayaari doonaan: 4-3-3

Inta jeer oo ay koobka aduunka ka qayb qaateen: 15-jeer

Imisa jeer ayay ku guuleesteen: 2

Xidigahii ugu caansanaa ee xulkan maliyadiisa xirteen: Daniel Passarella, Diego Maradona, Gabriel Batistuta, Mario Kempes

Kulamada saaxiibtinimo oo ay cayaari doonaan ka hor inta uusan koobka aduunka bilaabanin:

4 June Argentina Vs Trinidad and Tobago (La Plata, Argentina)

7 June Argentina vs Slovenia (Buenos Aires, Argentina)

Line Up-ka macquulka ah oo ay koobka aduunka ku bilaaban doonaan:

 Argentina Expected Starting Lineup at 2014 FIFA World Cup

Kulamada ay qaybta guruubyada cayaari doonaan:

Argentina vs Bosnia-Hercegovina – (15 June)

Argentina vs Iran – (21 June)

Argentina vs Nigeria – (25 June)

23-ka xidig ee macquulka ah ee uu tababare Sabella la rajeynaayo inuu ku dhawaaqi doono ka hor 13-ka bishan May u xulan doono koobka aduunka

Cayaaryahan Naadi
1 Sergio Romero Monaco
2 Mariano Andujar Catania
3 Agustin Orion Boca Juniors
4 Pablo Zabaleta Manchester City
5 Federico Fernandez Napoli
6 Marcos Rojo Sporting Libson
7 Ezequiel Garay Benfica
8 Nicolas Otamendi  Atletico Mineiro
9 Hugo Campagnaro  Inter Milan
10 Lisandro Lopez Getafe
11 Maria Basanta Monterrey
12 Javier Mascherano FC Barcelona
13 Fernando Gago Boca Juniors
14 Angel di Maria Real Madrid
15 Ever Banega Newell’s Old Boys
16 Maxi Rodriguez Newell’s Old Boys
17 Erik Lamela  Tottenham
18 Ezequiel Lavezzi PSG
19 Jose Sosa Atletico Madrid
20 Lionel Messi FC Barcelona
21 Sergio Aguero Manchester City
22 Gonzalo Higuain Napoli
23 Carlos Tevez Juventus

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close