Madaama kama dambeesta koobka horyaalada Yurub la cayaari doono sabtiga nagu soo fool leh waxaan go’aansanay inaan idiin soo gudbino sheekooyinka taariikhiga ah ee tartankan xiisaha la xariiraan, sidaa darteed maanta waxaa si gaar ah uga hadli doonaa kooxaha isku dalka ah ee kama dambeesta UEFA Champions League horey u wada cayaareen waayo Atletico Madrid iyo Real Madrid oo dalka Spain ka dhisay ayaa sabtiga magaalada Lisbon isku jiid jiidi doonaan arinkaas awgeed kooxihii horey iskoorkan u dhigeen fadlan hoos kaga bogo, waxaana naga xasuusin ah in taariikh ahaan 4-Final oo kala duwan ay isugu imaadeen labo naadi oo hal wadan ka wada dhisan hadaba macluumaadkaas hoos ka aqriso:
1999/2000 Real Madrid CF 3-0 Valencia CF: waxay ahayd markii ugu horeesay ee labo naadi oo hal wadan ka wada dhisan ay Final, waxaana Madrid koobka u qaaday macalin Vicente del Bosque.
2002/03 AC Milan 0-0 Juventus (Milan aya 3-2 rigoorayaal ku qaaday): waa sanadkii reer Talyaani weliba 3-naadi ayaa Semi Final isugu imaadeen waxaana habeenkan Milan koobka u qaaday macalin Carlo Ancelotti.
2007/08 Manchester United 1-1 Chelsea FC (United ayaa 6-5 on rigoorayaal ku qaaday): waa sanadkii reer England waayo 3-naadi ayaa semi finalka soo gaareen waxaana United koobkan u qaaday macalin Sir Alex Ferguson.
2012/13 FC Bayern München 2-1 Borussia Dortmund: sanadkii hore reer Jarmal ayaa markooda boorka iska jafeen waxaana koobkan calfatay Bayern oo uu macalin u ahaa Jupp Heynckes.
2013/14 Real Madrd Vs Atletico Madrid: ?????????????