Home » Maxaa Cusub » Giroud: Waxaan Ubaahanahay Inaan Ku Guuleysto Abaal Marinta Golden Boot Xagaagan.

Giroud: Waxaan Ubaahanahay Inaan Ku Guuleysto Abaal Marinta Golden Boot Xagaagan.


olivier-giroud-arsenalGool dhaliyaha kooxda arsenal Giroud ayaaa aaminsan inuu awood u leeyahay inuu noqdo xagaagan laacibka ugu gool dhalinta badan horyaalka dalka ingiriiska Premier League waxaana uu shaaciyey inuu xiiseenaayo in loo magacaaabo abaalmarinta Golden Boot oo lasiiyo xiddiga ugu goolasha badan horyaalkaas.

Giroud ayaa dhaliyey goolkii furitaanka kooxdiisa todobadkan markii ay la ciyaareed kooxda Sunderland 3-1 kga adkaadeen waxaana laacibkuu uu ahaaba mid dhalinayey goolka furitaan kulamadii ugu dambeeyey ee kooxdu ciyaartay kulamadeeda, waxaana uu gooldhaliyana u sheegay wariyaasha inuu jecelyahay inuu gooldhalinta sanadkaan ingiriiska qaaato.

“kooxdan kaliya ayaan doonayaa inaan u dhaliyo goolal badan , maku dhameysan karaa kaalinta hore gooldhalinta horyaalka dalka premier league ,waa inaan helaan fursad aan ku noqon karo xiddiga xagaagan sidaa waxa uu laacibkaan u sheegay jariirada dalka kasoo baxda ee The Mirror:

Kooxda arsenal ayaa hadda joogta booska ugu sareeya kala horeynta horyaalka Ingiriiska waxaana ay guuleesatay sedex kulan oo is xigta premier League-ga iyadoo hadda dawan doona natiijada ciyaarta caawa ay wada yeelan doonan kooxaha Liverpool iyo Swansea , maadaama y arsenal goolal tiri hogaanka hada ku heyso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close