Home » Maxaa Cusub » Olivier Giroud Oo Guul Ku Macsalameeyay Kulankii Ugu Dambeyay Arsenal Ay Ku Ciyaarto Emirates Xili Ciyaaredkan

Olivier Giroud Oo Guul Ku Macsalameeyay Kulankii Ugu Dambeyay Arsenal Ay Ku Ciyaarto Emirates Xili Ciyaaredkan


Giroud

Olivier Giroud ayaa u sahlay in Arsenal ay guul ka gaarto West Bromwich Albion markii uu u dhaliyay qeybta hore ee ciyaarta madax qurux badan kadib koorno uu soo laaday Cazorla, balse guusha Arsenal ayaan xaalad weyn abuureynin iyadoo kaliya ku dhawaaneysa booska sadexaad.

Arsenal ayaa heshay daqiiqadii 5-aad kubad gool loo fishay markii Meust Ozil uu caawiyay Giroud balse xidiga reer Jarmal Podolski ayaa kubada kor iska mariyay markii uu ka damcay inuu ka fa’ideysto kubad uu awoodi waayay Giroud.

Santiego Cazorla ayaa sameeyay isku daygii ugu horeeyay ee kulankaan uu sameeyo markii daqiiqadii 13-aad uu goolka la beegsaday darbo kulul balse daafaca West Brom ayey ku dhacday.

Arsenal ayaa koornadii ay heshay gool u badashay Olivier Giroud ayaana madax ku dhameystiray laad uu soo qaaday Cazorla isagoo ka kor kacay Graig Dawson daqiiqadii 14-aad ee ciyaarta.

Arsenal 1 – 0 West Brom

West Brom ayaa heshay fursad ay ku barbareyn kartay Arsenal markii koorno laga soo qaaday dhanka midig uu madaxeeyay Brunt balse kor ayuu iska mariyay daqiiqadii 23-aad ee ciyaarta.

Mathieu Flamini ayaa ku dhawaaday inuu hogaanka u dheereeyo Arsenal markii uu darbo qurux badan ku riday goolka West Brom balse goolhaye Foster ayaa si cajiib leh kaga badbaadiyay daqiiqadii 25-ad ee ciyaarta.

West Brom ayaa halis galisay Arsenal Dorrans ayaana darbo kulul goosha la beegaday inkastoo goolhaye Szczesny uu badbaadiyay hadana Berahino ayaa helay fursad dahabi ah oo goolk u furneed inkastoo uu birta ku dhuftay hadana caawiyaha garsooraha ayaa taagay calanka cadeynaya Offside-ka daqiiqadii 31-aad ee ciyaarta.

Qeybtii hore ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku heyso kooxda Arsenal, balse isku soo noqodkii qeybtii dambe balse 10-kii daqiiqo ee ugu horeysay ayaan wax halis ah la is galin marka laga reebo Sagna oo daqiiqadii 53-aad karoos kasoo qaaday dhanka midig balse Foster ayaa qabsaday.

Mesut Ozil ayaa u dhawaaday inuu hogaanka u dheereeyo Arsenal kadib markii uu kubad madax ah ka helay Giroud isagoo ku jira xerada ganaaxa, balse isku daygii Mesut ayaa fashilmay markii ay kubada goolka ka agmartay daqiiqadiib 71-aad ee ciyaarta.

Arsenal ayaa soo qaaday weerar cajaaib leh iyadoo ku dhawaatay iney hesho goolkeedii labaad daqiiqadii 75-aad ee ciyaarta, Mesut Ozil ayaa kasoo shaqeeyay kubad qurux badan inkastoo uu u gacan galiyay daafac ka tirsan West Brom balse waxey si lama filaan ah kubada ku gaartay Podolski oo darbadii uu riday birta ku dhuftay ugu dambeyntiina goolhaye Foster ayaa qabsaday.

Arsenal ayaa natiijo fiican sii helysa iyadoo haatanj 2-dhibcood kaliya ka hooseysa Chelsea oo fadhisa booska sadexaad balse goor dhaw la ciyaari doonta Norwich City.

Natiijadaan ayaa ka dhigan in Arsenal ay xili ciyaareedkaan gurigeeda ku dhalisay 43-gool, waxaana kaliya lagaga dhaliyay Emirates 11-gool.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close