Home » Europe » Europe League » Giovanni Trapattoni Oo La Taliyay Macalin Antonio Conte: Waxaa Kuu Wanaagsan Joogitanka Turin

Giovanni Trapattoni Oo La Taliyay Macalin Antonio Conte: Waxaa Kuu Wanaagsan Joogitanka Turin


Giovanni-Trapattoni-007

Macalinkii hore xulalka Italy iyo Ireland Giovanni Trapattoni ayaa talo wanaagsan siiyay macalinka haatan ee kooxda Juventus Antonio Conte kaas oow warbaahinta ay qoraan inuu ka tagi doono Juventus kadib xagaagan.

74-jirkaan reer Talyaani ayaa ku fashilmay inuu Ireland u suuragaliyo iney soo gaarto Koobka Aduunka ee 2014-ka lagu qaban doono Brazil inkastoo uu kazoo muujiyay Euro 2012.

“Waan ka tagay Ireland eed la’aan, waxaana qaadanay waqti wanaagsan iyo guulo muhiim ah”

“Isku mid maahan shaqada xul iyo mida koox waxaana mar walba wanaagsan mida koox taasoo ah shaqo wanaagsan”

“Conte wa shaqsi isku filan kaasoo leh qibrad u gooni ah wuxuuna maamulaa naadi uu mudo kusoo bixiyay waqtigiisa isagoo ciyaariyahan ah kuna qoran laabtiisa mana ahan inuu iska lumiyo jaceylka Jamaahiirta dhiiran ee Juventus” ayuu yiri Giovanni Trapattoni.

“Conte maahan shaqsi u baahan in wax badan la amaano, wuuna garan karaa in shaqadiiisa uu hormar ugu jiro, waana wax mar walba uu ogyahay”

Ugu dambeyntii Giovanni Trapattoni kaas oo shaqo raadis ah ayaa ku jira liiska tababarayal badan oo lala xiriinayo shaqada Juventus marka uu Conte ka tago sida ay ku waramaan Jariiradaha Italy kazoo baxa badankood.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close