Halyeeygii hore kooxda Blues iyo xulka Azzurri Gianfranco Zola ayaa qarsan waayay jaceylka uu u qabo in xulkiisa talyaaniga uu gaaro meel wanaagsan koobka Aduunka isagoo digniin culus u diray ka hor kulanka ay furitaanka groupka D la yeelan doonaan wiilasha Roy Hodgson ee Ingiriiska.
Inkastoo Rooney lagu eedeeyo inuusan aheyn xidig qaran hadana hormarka Sturridge uu sameeyay sanadaan iyo cadaadiska la saaray Rooney ayaa macquul ka dhigi kara in labadaan xidig ay wax muuqda ka sameeyaan Brazil iyagoo dhaawici kara Italy, “Italy waa iney awood u yeelato joojinta Rooney & Sturridge” Ayuu Zola u sheegay La Gazzetta dello Sport.
Zola ayaa sidoo kale la hadlay weerarka xulka Italy madama ay wajahayaan xulka Ingiriiska oo daafac ahaan ka xoog badan sidii uu ahaan jiray tartamadii lasoo dhaafay isagoo si cad ugu sheegay iney sare u qaadaan dadaalkooda,
“Italy waxey leedahay xidigo badan oo qibrad leh, Ingiriiskana wiilal yaryar iyo laba xidig oo halyeeyo ah Gerrard & Lampard”
“Fikrad ahaanteyda, {Mario} Balotelli & {Antonio} Cassano waa iney dhibato badan ku abuuraan daafaca ingiriiska inkastoo daaficii hore xulka Ingiriiska uu ka liito midka haatan.
Sida badan England iyo Italy meelo badan ayey isaga mid ka yihiin ciyaartoyda. Ugu dambeyntii Zola ayaa guul u rajeeyay xulkiisa Italy isagoo doonaya iney garaacaan England.