Home » Horyaalada » La liga » Gerard Pique Oo Xaqiijiyay Bixitaanka Cesc Fabregas

Gerard Pique Oo Xaqiijiyay Bixitaanka Cesc Fabregas


cesc and pique

Gerard Pique ayaa weeraray maamulka Barcelona isagoo ka xun sida ay kooxda ula dhaqantay Cesc Fabregas kaas oo uu sheegay inaan la siin mudnaantii uu lahaa isla markaana wuxuu xaqiijiyay bixitaanka xidigaan.

Fabregas ayaa ku fashilmay inuu door muhiim ah ka qaato hanaan socodka qaab ciyaareedka Barcelona tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay Camp Nou 2011.

Cesc Fabregas waxaa lala xiriirinayaa inuu dib ugu laabto horyaalka Ingiriiska waxaana doonaya kooxaha: Liverpool, Man City, Man United, Chelsea & Arsenal kuwaas oo og waxtarka xidigaan maadama uu 8-sano kusoo qaatay horyaalka Ingiriiska.

Pique ayaa u muuqday mid xaqiijinaya in 27-jirka reer Spain iyo maamulka Barcelona ay isla gaareen heshiis ah in la iibiyo.

Daafaca Barcelona Pique ayaa warkaan kaga dhawaaqay xili uu ka qeyb galayay shirka jaraa’id ee xulka Spain ka hor koobka Aduunka.

“Dhabtii waan ka helaa Cesc, waxaan ogahay inuu bixi doono balse kooxda ma aysan ku abaalmarin sharaftii uu mudnaa” ayuu yiri Pique.

“Waa mid ka mid ah xidigaha safka hore ka noqon kara koox walba oo dunida ka dhisan, waana xidiga kooxda” ayuu mar kale yiri.

“Waxaan rajeynayaa inuu joogo, marka la fiiriyo xili ciyaareedkaan wuxuu ahaa kubad sameeyaha ugu goolasha badan Barcelona, sidoo kalana waa midka inoogu caawinta badnaa xili ciyaareedkaan, dabcan waxaan doonayaa inuu nala joogo” Ayuu hadalkiisa kuso afjaray.

Barcelona wey iibineysaa Faberegas waa hadalkii ugu dambeeyay oo xaqiiqo u dhaw oo laga helay shaqsi ka tirsan Barcelona.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close