Garsoore Howard Webb Oo Bartanka Kaga Jira Muran U Dhaxeeya Brazil Iyo Chile
Waxaa Qoray: Abbas Ali Hassan
Taariikhda: June 28, 2014

Garsooraha Reer England Howard Webb ayaa muran dhexda uga jiro ka hor kulankii Chile vs Brazil ee wareega 16 ka oo ka dhacayo Belo Horizonte.

Webb, oo horey eed kala kulmay kulankii Finalka ee Koobka Adduunka 2010, ayaa wajahay in su’aalo ay ka keenaan xulka Chile kuwaasoo ka cabsi qaba inuusan awood u laheyn inuusan u eexanin xulka martida loo yahay ee Brazil. Xiddiga Barcelona Alexis Sanchez ayaana yiri: “Waxa ugu badan ee i walwalgelinaya kulankaan waa garsooraha”.

Sidoo kale Madaxwaynaha xiriirka Kubada Cagta Chile ayeey sheegay in ay ka walaacsan yihiin in garsooruhu xakameen waayo inuu iska ilaaliyo cadaadiska uga imaanaya Estadio Mineirao.
waxaana taasi jawaab kulul ka bixiyey Xulka Brazil shirka jaraa’id ay qabanayeen ka hor kulankan, markii tababaraha Brazil uu weydiiyey weriye Chile walaaca ay qabaan ciyaartoyda iyo xiriirka kubada cagta Chile ayaa waxa soo dhex galay hadalka Rodrigo Paiva oo ah madaxa agaasmiha saxaafada xiriirka kubada cagta.

Waxaan arintaan ka hadleynaa kaliya hal jeer,” ayuu yiri iyadoo Scolari iyo kabtan Silva ay fiirinayaan. “Waa wax ciyaalnimo ah. Cadaadis ceynkaan oo kale ah waa dabaalnimo,”.
“In laga hadlo garsoore waxa ay ixtiraamdarro ku tahay FIFA ama garsooraha ama dadka halkaan ka shaqeeya ee 100ka sanno guulaha gaarayay. Waxa ay ixtiraamdarro ku tahay dadka reer Brazil,”.
Like this:
Like Loading...
chile haday boqonayso yaanay caayin garsooraha h.webb