Home » Maxaa Cusub » Garsooraha Dhex-Dhexaadin Doona Kulanka Brazil & Germany Oo La Shaaciyay

Garsooraha Dhex-Dhexaadin Doona Kulanka Brazil & Germany Oo La Shaaciyay


Marco Rodriguez

Xiriirka Kubada Cagta Aduunka FIFA ayaa go’aamiyay garsooraha dhexdhexaadin doona kulanka Semi Finalka Koobka Aduunka ee dhexmari doona Xulalka Brazil vs Germany.

Wuxuu noqon doonaa kulankii sadexaad ee uu qaban doono koobka Aduunka sida ay Football-italia.net qortay in garsoorahaan reer Mexico uu sameeyay qaladaad baahsan.

Wuxuu horay u maamulay kulan ciyaareed dhexmaray Belgium iyo Algeria iyo sidoo kale kulankii Uruguay iyo Italy markaas oo garsoorahaan uu kaarka cas siiyay Claudio Marchisio isla markaana iska indha tiray qaniinyadii Chiellini uu kala kulmay Suarez taasoo ganaax uu dib kaga muteystay.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Close