Kulankii Sabtidii ee Juventus iyo Inter Milan ayaa waxaa la sheegayaa in Taageerayaasha Inter Milan ay kula dhaqaaqeen Kuwa Juventus Cunsuriyad taas badalkeedana Inter Milan ayay qasab ku tahay in kulankooda soo socda ee Serie A ee ay ku ciyaarayaan garoonkooda inay qeyb ka mid ah garoonka faaruq ka dhigaan,
Garoonka oo dhinac laga xiro iyo 15 kun euro ayaa lagu ganaaxay, sababtoo ah taageerayaashooda ay ku heesayay oraahyo cunsurinimo ah halka ay sidoo kale laser ku qabteen garsoorayaasha iyo ciyaartoyda Juventus, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Serie A.
Taageerayaasha Inter ayaa sidoo kale soo bandhigay boor lagu aflagaadeynayo tababaraha Juve Antonio Conte, sida lagu sheegay warbixinta.
aflagaadada cunsuriyada waxaa loo waday ciyaaryahanada khadka dhexe Paul Pogba iyo Kwadwo Asamoah intii ay socotay ciyaartii San Siro ee barbaraha 1-1 ku dhamaatay sidaas waxaa isla dhexmarayo Saxaafada Dalka Talyaaniga.
Hal dhinac oo ka mid ah garoonka San Siro ayaa la xiri doonaa kulanka ay Inter garoonkeeda ku soo dhaweyn doonto Fiorentina 26ka bisha September.