Xidiga ugu qaalisan dunida Gareth Bale ayaa shaki la galinayaa inuu safan karo kulanka ay kooxdiisa habeen dambe la ciyaareyso kooxda Bayern Munich lugta koowaad ee Semi Finalka Champions League kulan ka dhici doona Bernabue.
Gareth Bale ayaa daremaya xanuun isagoon soo xaadirin isku imaatinkii ay isugu imaanayeen xidigaha Madrid ka hor kulankaan hotelka.
Guillem Balague oo ka tirsan Bleacher Report ayaa xaqiijiyay in Gareth Bale uu ka maqnaa kooxda Real Madrid ee hotelka isugu imaatay waxaana la filayaa inuu gurigiisa joogo madama uu xanuun dareemayo.
Dhanka kale C. Ronaldo ayaa joogay goobta kulanka iyadoo la rajeynayo inuu 100% taam u noqdo inuu wajaho Bayern Munich.