Kooxda caasimada spain ee real madrid ayaa hal dhibac heshay kulankeedii caawa horyaalka laliga dalka spain ay ka hortageen kooxda villareal waxaana caaawa lagusoo bilaabay ciyaarta laacibka ugu qaalisan aduunka Gareth Bale waxaana uu noqoday mid shabaqa soo taabta isagoo dhaliyey goolkiisii ugu horeeyey ee kooxda Real Madrid , kulanka oo ahaa mid loo adkeeyey xisaabta kooxda real madrid waxaa uu ka dhacay garoonka ElMadrigal waxaana lagu kala baxay bar baro goolal ah 2-2.
Bandhig wanaagsan oo kooxda villareal ay sameesay waxay sahashay in daqiiqadii 6-aad gool qurux badan dhalisao kooda lagu naaneyso Yello Sub Marines ama gujista jaalayaasha markii uu shabaqa taabtan laacibkooda Pereira ,Gareth Bale ayey ku korortay daqiiqado inuu sameeyo rikoorkii ronaldo markii uu kooxda ku soo biiray waxaana uu caawa gool bar baro u ekaa qeybtii hore dhaliyey daqiiqadii 38-aad waanaa ki ka sareesa sedex daqiiqo wayihii ronaldo iyo goolkiisii ugu horeeyey Real Madrid.
Kooxaha real madrid iyo vaillareal ayaa wada ciyaaray mid sedx kulan waxaana ay aruursadeen min todobo dhibcooc balse waxay ku kala sareeyaan kala horeeynta hortaalka dalkaas , ciyaarta caawa laba daani waxaa usoo daawasha tagay taageerayaal gaaraya tiro ahaan 23852 waxaana dhex dhexaadinayey garsooraha caank ah Fernando Teixeira.