Home » Maxaa Cusub » Galatasaray Oo U Dhaqaaqday Soo Xerogalinta Daafaca Ugu Muhiimsan Liverpool

Galatasaray Oo U Dhaqaaqday Soo Xerogalinta Daafaca Ugu Muhiimsan Liverpool


Skrtel

Daafaca kooxda Liverpool Martin Skrtel ayaa dalab ka helay kooxda turkiga ka dhisan ee Galatasaray iyadoo usoo bandhigtay mushaar fiican hadii uu ogolaado inuu usoo guuro horyaalka Turkiga.

The People ayaa cadeysay in daafacaan u dhashay Slovakia kaas oo ay laba sano kaga hartay heshiiskiisa Liverpool ay Galatasaray ay u balan qaaday mushaar dhan 100,000 isbuucii.

Kooxda kaalinta labaad ka gashay Premier League ayaa ciyaartoy badan aruursaneysa iyadoon wax difaac ah ka dooneyn suuqa kala iibsiga taasoo la micno ah ineysan sahal ku dhiibi doonin wiilasha haatan usoo dhabar adeegay xili ciyaareedkii fiicnaa ee oso maray.

Martin Skrtel ayaan ku faraxsaneen nolosha gobolka Mereyside sida ay cadeyneyso The People, balse Rodgers ayaan ilaa haatan go’aan ka qaadan mustaqbalka xidigaan.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Close