Gabdhaha Jarmalka ee da’doodu ka hooseyso 20-jirada ayaa ku guuleystay Koobka Aduunka markoodii sadexaad kadib markii ay 1-0 ku garaaceen Nigeria ciyaar la isla gaaray waqtiga dhimashada.
Gabdhahaan ayaa qaaday wadadii ay qaadeen wiilasha Xulka Jarmalka ee iyaguna bishii July ku guuleystay koobkii Aduunka ee lagu soo dhameeyay Brazil markii ay 1-0 ku garaaceen Argentina ciyaartii finalka kadib waqti dheeri ah oo loo baahday, Mario Gotze ayaana noqday halyeeyga ciyaarta kaas oo ansixiyay goolka guusha.
Si Kastaba gabdhahaan 7-dhibcood uga soo baxeen wareega groupyada madama ay guulo ka gaareen Brazil iyo USA, halka ay barbaro la galeen China.
Sidoo kale waxey Quater Finalka soo qaarijiyeen dalka martigalinaya ee Canada iyagoo Semi Finalka qaarijiyay France, intaas waxaa sii dheer in hablaha France ee ka yar 19-jirada ay ku guuleysteen koobkii Euro 2013 ee lagu qabtay Wales, iyagoo xiligaas garaacay Jarmalka.
Ugu dambeyntii Gabdhaha Jarmalka waxey u dabaal dageen guushoodii sadexaad ee koobka Aduunka, kulan xamaasad lahaa oo ay qaarijiyeen dhigooda Nigeria.
4 Aragtiyo Ayaa Laga Bixiyay: Gabdhaha Jarmalka Oo Markii Sadexaad Ku Guuleystay Koobka Aduunka