Home » Maxaa Cusub » Freddie Ljungberg “Waan Hubaa In Arsenal Xili Cayaareedka Dambe Ka Awood Badin Doonto Kooxaha Kale”

Freddie Ljungberg “Waan Hubaa In Arsenal Xili Cayaareedka Dambe Ka Awood Badin Doonto Kooxaha Kale”


Freidy

Halyeegii hore ee kooxda Arsenal Freddie Ljungberg ayaa aaminsan in kooxdiisii hore ay xili cayaareedka dambe wacdaro ka dhigi doonto Premiership-ka England sidoo kalena xidigan wuxuu difaacay laacibiita ku sugan garoonka Emirates wuxuuna laacibka reer Sweden yiri “Waan ku kalsoonahay in Arsenal ay xili cayaareedka Premiership-ka safka hore ee Premiership-ka ku dhameesan doonto kooxdan caqabado xoogan ayaa lasoo gudboonaadeen sanadihii dhawaa xitaa garoonkeeda Emirates lacago deyn ah ayay ku dhistay balse nasiib wanaag haatan way kasoo gudubtay waxayna heesataa xidigo tayo wanaagsan oo sanadka dambe koobab farabadan u qaadi karaan runtii mustaqbalka Arsenal wuxuu ila yahay id ifaayo!”

Ugu dambeyntii Freddie Ljungberg ayaa sheegay in xili cayaareedkan u la yaaban yahay guulaha ay kooxda Liverpool gaartay wuxuuna yiri “runtii marnaba ma aaminsaneyn in Liverpool ay Premeirship-ka awood ku qabsan doonto xili cayaareedkan balse dadaal dheeraad ah ayay muujiyeen sidoo kalena xidigo tayo wanaagsan ayaa u joogto sida Suarez iyo Gerard” Freddie Ljungberg oo koobab farabadan kula guuleestay Arsenal sidoo kalena Waqooyiga London siweyn looga jecel yahay ayaa ka dhawaajiyay inuu ka xun yahay xaalada adag ee kooxdiisa lasoo daristay balse rajada uu qabo ayaa ah in wiilasha Wenger ay soo laba kacleen xoogan sameyn doonaan xili cayaareedka dambe 2014/15.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close