Home » Latin America »  Fred “Suarez Ganaaxa La Dul Dhigay Waa Mid Aad U Xanuun Badan”

 Fred “Suarez Ganaaxa La Dul Dhigay Waa Mid Aad U Xanuun Badan”


Brazil v England - International Friendly

Inkasto saxaafada aduunka iyo shaqsiyaadka kubada cagta ehelka u ah ay intooda badan qabaan in Luis Suarez ganaaxii la dul dhigay uu yahay midkii saxda ahaa ama lagu yareeyay hadana weeraryahanka xulka Brazil Fred ayaa aaminsan in Suarez la dul dhigay ciqaab aad u adag sidoo kalena ay tahay mid aad u culees badan wuxuuna Fred muujiyay sida uu uga xun yahay xayiraada culus ee la dul dhigay weeraryahanka xulka Uruguay wuxuuna yiri “ma ahan wax la qarin karo inuu Luis qalad galay balse aniga ahaan dhanka bini aadanimada iyo jaceelka aa kubada cagta u qabo markii aan ganaaxaan ku cabiro wuxuu ila yahay mid aad u culus “

Fred oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri “dad bada ayaan ganaaxa Suarez kala dooday waxaana ku dhiiraday inaan daho ciqaab ka tan weyn ayaa la dul dhigay halka qaarkood ay ugu raaceen balse intooda badan dadka reer Brazil waxay qabaan in Suarez abaalkiisa ay tahay ganaaxan xanuunka badan” ugu dambeyntii Fred ayaa soo jeediyay in Luis Suarez uu haatan mustaqbalkiisa cayaareed halis ku jiro wuxuuna yiri “fikir ahaan waxaan qabaa in Suarez mustaqbalkiisa cayaareed waayo 4-bilood oo aadan kubada cayaarin waxay sababi karta dhibatooyin badan balse Luis waa xidig adkeysi badan waxaana u rajeynaa nasiib wacan”

Close