Kubad Sameeyaya Kooxda Manchester United Michael Carrick ayaa rajeyaya inuu kusoo bilowdo kulanka dhimashada ee caawa xulka England uu la yeelan doono Poland xili Lampard uu kursiga kusoo bilaaban doono.
Kabtanka Labaad ee xulka England ayaa lagu soo bilaabay kulankii ay Montanegro ku garaaceen 4-1, balse sida ay Daily Mail cadeysay Carrick ayaa lagu soo bilaabi doonaa kulanka Poland.
Dhanka Kale Phill Jones ayaa la filayaa inuu nasiib u yeeso inuu ka badalo booska labaad ee daafaca midig Walker oo ganaax ku maqan halk Wiilka da’da yar ee Townsend isna lagu soo bilaabi doono.
Michael aya sameeyay 123-baas kaasoo ka badan baaskii uu sameeyay Wilshere kulankii Westbrom (60), Lampard Kulankii (Norwich) iyo sidoo kale Gerrard kulankii C. Palace.
Macalin Hogdson ayaana rajeynaya in uu ciyaaro qaab ciyaareedka 4-2-3-1 kaasoo ka dhigan (4-5-1)
Line Upka England ee La Filayo Caawa:
Hart
Jones Cahill Jagielka Baines
Carrick Gerrard (c)
Townsend Rooney Welbeck
Sturridge
Michael Carrick ayaa noqday xidiga ugu wanaagsan Manchester United xagaagii lasoo dhaafay, wuxuuna ku guuleystay inuu u safto Englad 30-kulan.
Sidoo kale da’yarka Townsend ayaa rajeynaya inuu kusoo bilowdo madama uu bandhig wanaagsan sameeyay kulankii Montanegro wuxuuna noqday wiil saameyn ku yeeshay xulka England.