Home » Maxaa Cusub » Frank Lampard Oo Ka Shalaayay Go’aankii Ay Chelsea Isaga Iibisay Daniel Sturridge

Frank Lampard Oo Ka Shalaayay Go’aankii Ay Chelsea Isaga Iibisay Daniel Sturridge


Sturridge

Daniel Sturridge ayaa u guuray garoonka Anfield bishii January 2013 wuxuuna muujiyay sida uu u yahay weeraryahanka ugu wanaagsan xidigaha u dhashay dalka Ingiriiska dhanka goldhalinta markii uu dhaliyay 31-gool, 43-kulan oo Premier League ah oo uu u saftay kooxda Reds la yiraahdo.

Frank Lampard kaas oo haatan cadeeyay inuu isaga tagay Blues ayaa amaanay dadaalka weeraryahanka reer Ingiriis kaas oo awoodiisa soo bandhigay kadib ka tagitaankiisa Stamford Bridge.

Kabtan ku xigeenka Xulka ingiriiska ayaa yiri: “Waan bogaadinayaa Sturridge, marka la eego Chelsea wuu ku wareeray si weyn waliba, balse markii uu kasoo tagay wuxuu helay ciyaaro badan”

“Wuxuu ku fashilmay booska uu ciyaarayay ma aheyn mid uu ku faraxsanaa, waxeyna u aheed dhaqaaq wanaagsan” Ayu yiri Frank Lampard.

‘Waxey u muuqataa in Chelsea aysan u aheyn ganacsi wanaagsan, wuxuu ka tagay koox xoogan wuxuuna u tagay koox xoogan”

Ingiriiska ayaa rajeynaya iney dhiiranaanta iyo xirfada Sturridge ka faa’ideystaan marka ay gaaraan Brazil isla markaana ay ka qeyb galaan koobka Aduunka ee halkaas ka dhici doona bilaha June iyo July.

Lampard ayaa sidoo kale intaas ku daray isagoo leh: “Weeraryahan Ingiriis ah oo si joogta ah u dhaliya goolasha isagoo ku sugan Premier League, waxey u tahay wax layaab leh”

Ugu dambeyntii Lampard ayaa doonaya In Sturridge uu hilaaciyo garoomada Brazil marka ay xulkaas la ciyaaraan xulalka Italy, Uruguay & Costa Rica oo ay ka wada tirsan yihiin groupka D.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close