Home » Maxaa Cusub » Frank Lampard Oo Fursad U Heysta Inuu Kusoo Laabto Chelsea Caawiyana U Noqdo Jose Mourinho

Frank Lampard Oo Fursad U Heysta Inuu Kusoo Laabto Chelsea Caawiyana U Noqdo Jose Mourinho


Lampard

Tababaraha Chelsea Jose Mourinho ayaa furay albaab kale oo uu Frank Lampard kasoo gali karo garoonka Stamford Bridge kadib markii uu shaaca ka qaaday inuu ka mid noqon karo shaqalaha dhanka tababarka ee kooxda.

35-jirkaan heerka caalami ayaa kooxda Blues isaga tagay kadib 13-sano oo uu ku sugnaa galbeedka London markii uu soo dhamaaday heshiiskii uu ku joogay kooxda waxaana warar goor hore lasii shaaciyay ay sheegeen inuu ku biiray kooxda ay milkiiyadeeda leedahay Manchester City ee New York City ee ka dhisan dalka Mareykanka.

Balse tababaraha Chelsea ayaa aaminsan in wali Frank uu fursad u heysto inuu kasii mid ahaado Blues isagoo caawiye u noqon doona.

“Wuxuu noqon karaa tababare, wuxuu ka bilaabi karaa da’yarta oo diyaar loola yahay, wuxuu noqon karaa caawiyaheyga waqti xaadirkaan hadii kale shaqo ka duwan ayuu kooxda ka qaban karaa” Ayuu Jose ugu waramay Daily Mirror.

“Wuxuu go’aan gaari karaa waqti xaadirkaan hadii uu doonayo inuu haatan shaqo bilaabo iyo hadii uu noqonayo safiir xaadir ku ah kooxda mar walba muhiimna u ah nolosheena, wax walba ayuu sameyn karaa”

“Haatan wuxuu dareemayaa inuu wali ciyaari karo kubada cagta, isla markaana laba ama sadex sano uu sii ciyaaro, wuuna ku faraxsan yahay inuu taa sameeyo”

Frank Lampard ayaa u saftay Blues 648-kulan, isagoo dhaliyay 211-gool, waana xidiga ugu goolasha badan Chelsea isagoo ah kubad sameeya waana rikoor u gaar ah.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close