Home » Nolosha Ciyaaryahanka » Frank Lampard iyo Noloshiisa Gaarka (+Sawiro)

Frank Lampard iyo Noloshiisa Gaarka (+Sawiro)


Frank Lampard with Girlfriend 01

Frank James Lampard waa xidig ka tirsan naadiga Chelsea sidoo kalena u cayaaro xulka England, halyee Lampard wuxuu dhashay 20-kii June 1978, haatan waa 34-jir daafaha caalamka siweyn looga yaqaano sidoo kalena laacibkan heerkii ugu sareeyay ayuu kubada cagta ka gaaray maantana waxaan idiin heynaa xidigan noloshiisa gaarka ah.

Frank Lampard with Girlfriend 02

Franka haatan waxay saaxiibo yihiin gabadha lagu magacaabo Christine Bleakley tan iyo sanadii 2009 ayya gabadhan u dhalatay dalka Britain saaxiibo ahaayeen waxayna si rasmi ah isku guur sadeen sanadii 2011 haatana waa lamaane hal meel ku wada nool.

Frank Lampard and Christine Bleakley

Balse maxaa kala socotoaa noloshiisii hore, Lampard waxay horey iskula noolaan jireen gabar Spanish ah oo lagu magacaabo Elen Rivas, waxayna u dhashay labo gabdhood Luna (oo dhalatay 22 August 2005) iyo Isla (oo iyadana 20 May 2007), balse nasiib daro qoyskan sanadii 2008 ayuu bur buray, xiligaas ayayna si rasmi ah u kala hareen Lampard iyo Elen Rivas mudo 7-sano kadib ayuu xiriirkooda so oaf jarmay. Waxaa intaas sii dheer in gabadhan ay Frank maxkamad ka dacweesay waxaana looga qaaday 12.5-milyan oo pound!

Frank Lampard with Girlfriend 04

Haatan ruug cadaagan nolol cusub ayaa u bilaabatay sida sawirka ka muuqato wuxuuna aad ugu farxsan yahay wehelka uu ka helaayo saaxiibtiis Christine Bleakley, Frank iyo saaxiibtiis oo ku qaadanaayay fasixii sanadka cusbaa dalka Talyaaniga ayuu la hadlay wargeska The Sun wuxuuna yiri “waan ku faraxsanahay inaan wheel dhameestiran ka helaayo Christine waxaana rajeynaa inaan mudo dheer isla sii noolaan doono madaama aan si wanaagsan isku fahanay”

Frank Lampard with Girlfriend 06

Frank wuxuu kasoo jeedaa qoys kubada cagta magac dheer ku leh waayo aabihiis wuxuu u cayaari jiray kooxda West Ham United, sidoo kale Lampard adeerkiis Harry Redknapp waa tababaraha naadiga QPR sidoo kalena dalka England magac weyn ayuu ku leeyahay waxaa intaas sii dheer wiilka Lampard ay ilmo adeerada yihiin Jamie Redknapp isna wuxuu kabtan u ahaan jiray naadiga Liverpool waxaana wiilkan dhalay Harry Redknapp.

 


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close