Frank Lampard iyo Luka Shaw ayaa labadaba lagu soo bilaabi doonaa kulan sharafeedka ay England la yeelan doonto Dhigooda Costa Rica Maalinta Berito.
Macalin Roy Hodgson oo aan awood u laheyn inuu soo gaaro Wareegga 16-ka ee koobka adduunka Maadaama mar hore rajadiisa lasoo afjaray ayaa sidoo kale kusoo bilaabi doono Xidigga qadka dhexe uga cayaaro Everton ee Ross Barkley.
Qabiirkiii hore ee qadka Dhexe Chelsea Lampard oo 36 Jir ah ayaa loo xiri doonaa kulankaas kabtanka England maadaama uu noqon doono kulankiisii ugu dambeeyey ee uu u safto England, Halka Xiddiga Southampton Shaw La gelin doono Booska Leighton Baines.
” Aniga waxaan aaminsanahay in Dhammaan Xidigaha aan soo xushay ay ugu yaraan cayaaraana koobka adduunka daqiiqado” sidaas waxaa yiri Macalinka England Hodgson.
Laakiin Xidiga kamid noqday 23 Xidig ee uu Hodgson soo doortay ee aan haddana nasiibka u yeelan inuu safto waa Alex Oxlade Chamberlain Maadaama uu weli ka sheeganayo dhaawac xagga jilibka ah, kadib markii uu ku dhaawacmay Kulankii saaxiibtinimo oo ay la yeesheen Ecuador.
” Alex weli wuxuu ka cabanayaa dhaawac xagga jilibka ah, isaga kuma jiro liiska xidigaha aan soo safi doono, sidoo kalana Baines dhaawac ayuu ku maqnaan doonaa. ayuu yiri Hodgson.