Sabtiga nagu soo fool leh waxaa Finalaha German Cup ku wada hardami doonaan kooxaha Bayern Munich iyo B. Dortmund waana kulanka ugu dambeeyo ee dalka Jarmalka xili cayaareedkan lagu soo afjari doono sidaa darteed cayaartatan xiisaha badan waxa ka hadleen xidigaha labadan dhinac balse waxaa kulan si gaar ah xiiso ugu qabo Franck Ribery oo doonayo inuu iska meero hoos u dhaca ku habsaday 3-bilood ee ugu dambeeyay kaasi oo sababay in saxaafada dalka Jarmalka ay dhaliisho sidoo kaena kooxdiisa Bayern Munich ay si fool xun uga harto koobka horyaalada Yurub hadana Franck oo aad ugu hanqal taago Finalaha German Cup wuxuu yiri “Bayern ilaa haatan dadaal wanaagsan ayay sameesay madaama ay Bundesligaha ku guuleesatay balse Champion-ka ayaan difaacan weynay hadii aan sabtiga ku guul dareesano inan DFP Pokal difaacano waxaana la oran karaa xili cayaareedkeena fashil ayaan ku dhameesana”
Magaalada Berlin ayaa waxaa ka jiro sabtiga nagu soo fool leh xaflad weyn oo ay labadan naadi ugu diyaar garoobi doonaan fiinalaha koonka Jarmalka wuxuuna Franck Ribery xidigaha kooxdiisa ka codsaday inay macalinkooda Pep Guardiola ka farxiyaan wuxuuna yiri “waa dhacdo xiiso badan Finalaha DFP Pokal waxaana dooneynaa inay macalinkeena Pep ka farxino waayo waligiis ma uusan dhaqankan oo kale waxaana rajeynaa inaan Berlin ku dabaal dagi doono” inkastoo Franck Ribery uu muujiyay rajada uu ka qabo hanashada German Cup hadana tababaraha Dortmund Jurgen Klopp ayaa wacad ku maray kooxdiisa Dortmund ay Bayern ka yaabin doonaan sidoo kalena aysan ka liidanin Real Madrid oo 5-0 cagta ku marisay Bayern nus dhamaadkii Champion-ka hadaba la arki doonaa kooxdii sabtiga hanato koobka Jarmalka.