Kooxda Roma oo Maalmihii ugu dambeeyey Qorsheeneysay Inay heshiiska u kordhiso Francesco Totti ayaa ugu dambeyntii heshiis cusub ugu saxiixay Roma.
Totti ayaa kooxdiisa baaqai kusii ahaan doono ilaa June 2016, Halyeeygaan ayaa qalinka ku duugay heshiiska cusub suxufiyiinta hortooda maanta, isagoo shir jaraa’id qabtay islamarkaana uu ku lug lahaa madaxweynaha kooxda James Pallotta.
“Waxaan xaqiiqdii doonayaa inaan u mahadceliyo madaxweynaha oo fursad ii siiyay inaan sii xirto maaliyad aan waligey taageerayay islamarkaana aan waligeey jeclaa” ayuu yiri Totti oo 27da bishaan noqon doona 37 jir.
“Qof walba waxa uu doonayay in heshiiskaan cusub uu shaco, aniga iyo kooxdaba. “Waxaan haatan qandaraaskeyga ku kordhiyay labo sanno kale, waana labo sanno kale oo mas’uuliyad ay i saaran tahay, waxaa inoo taala shaqo badan oo ay tahay inaan qabano waxaana rajeynayaa inaan shaqo fiican u qabano Roma-daan Amerikaanka ah.”
Totti ayaa ka mid ah halyeeyadii hore ee Serie A ee weli ku haray Talyaaniga iyadoo Juventus ay iska dirtay Alessandro Del Piero xagaagii hore islamarkaana soo gabagabeysay 19 sanadood uu kooxda u ciyaarayay. “Del Piero waxa uu go’aansaday inuu baxo oo uu ka ciyaaro Australia. Juventus ulama dhaqmin sida ay Roma aniga ila dhaqantay, taasna waxa ay isaga u tahay wax laga xumaado. Dhinaca kale aniga waan faraxsanahay.”