Shirkada Forbes oo inta badan ka hadasho shaqsiyaadka ama shirkada aduunka ugu caansan hantida iyo dhaqaalaha ay heestaan ayaa soo bandhigay 20-ka naadi ee aduunka ugu qiimaha badan.
Kooxda Real Madrid ayaa noqotay naadiga aduunka ugu qiimaha badan waana sanadkii sedexaad oo xariir ah oo ay kooxdan hormuud u noqoto 20-ka naadi ee aduunka ugu qiimaha badan.
Kooxaha lacagaha ay ku fadhiyaan waxaa lagu qiimeeyay dhaqaalaha sanad walbo soo galo, daqliga dhanka TV-ga, xayeysiinta qalabka Sports ee kala duwan, awooda ay ku leeyihiin goobaha bulshada aduunka ku sheekeestaan iyo taageerayaasha ay caalamka ku leeyihiin.
Sidaa darteed Rea Madrid qiimo ahaan waxay ku fadhisaa $3.26 billion waxaana la sheegay in $746 million lacagtaas ka mid ah ay tahay daqliga sanadkii hore soo galay kooxdan !
Sida caadiga ah 20-ka naadi ee ugu qiimaha badan aduunka 8-ka mid ah waa kooxaha dalka England ka dhisan .
Hadaba hoos kaga bogo kooxaha aduunka ugu qiimaha badan iyo naadi walbo lacagta lagu qiimeeyay:
1.Real Madrid $3.26bn