Filipe Luis ayaa doonaya inuu isaga tago kooxda Atletico Madrid xili uu afartii sano ee lasoo dhaafay ku qarash gareeyay garoonka Vincent Calderon. daafacaan dhanka bidix ayaa iska diiday heshiis kordhin ay kooxdiisa usoo bandhigtay isbuucyadii lasoo dhaafay.
Daafaca Atletico ayaa doonaya inuu ku biiro Blues xili kooxda galbeedka London ka dhisan ay iyana goor hore go’aan ku gaartay saxiixa xidigaan iyadoo kala hadli doonta Atletico Madrid.
Balse kooxda difaacaneysa horyaalka La Liga ayaa shaaca ka qaaday in shaqsi walba oo koxda ka tirsan uu ku biri karo kaliya qiimaha lagu jabin karo heshiiskiisa.
Qiimaha lagu jabin karo heshiiska Filipe Luis waa 24-Malyan Oo Euro wuxuuna dalbanayaa in hoos loo dhigo si kooxda Blues ay awood ugu hesho iney iibsato.
Daafaca Asal Turkiga ah e qaata dhalashada dalka Brazil ayaa kooxdiisa weydiisanaya iney hoos u dhigaan qiimahiisa si uu ugu biiro kooxda Chelsea.
Profile