Sida caadi caadiga ah FIFA ayaa bil kasta soo saarto Qiimeyn lagu sameenaayo Xulaka ugu Fiican, waxaana Bishaan la dareemayaa saameyn Weyn Maadama la cayaaray 18 Kulan oo ka tirsan Isreebreebka Koobka Adduunka.
Tobanka Xul ee ugu horeysay ayaa is badashay marka laga reebo Spain oo iska heysata Hogaanka Qiimeyntaan
Si kastaba, isbedel weyn ayaa ka dhacay wixii ka danbeeya kaalinta koowaad, iyadoo Argentina ayaa booska kaalinta labaad kala baxday Germany ka dib markii ay si guul ah ugu soo baxeen Koobka Adduunka 2014 ee Brazil ka dhacaya.
Uruguay ayaa sidoo kale ka soo kacday kaalinta 7aad iyadoo soo gashay kaalinta lixaad, bishaan waxaa 10ka xul ee adduunka ugu sareeya ku jira afar xul oo ka socda South America.
Belgium ayaa iyadana sii wadata ku soo biiritaankeeda xulalka waa weyn ee Adduunka. Xulka lagu naaneeso Red Devils ayaan dhinaca dhulka loo dhigin kulamada isreebreebka Koobka Adduunka ee ay ilaa iyo haatan ciyaareen, waxaana ay soo galeen kaalinta lixaad, waana booskoodii ugu fiicnaa ee ay abid soo gasho xulka Belgium.
Muddo 20 sanadood ah ayay ku qaadatay Belgium in qiimeynta FIFA laga sarre mariyo xulka aadka u xafiiltamaan ee Holland kuwaasoo ku jira kaalinta 9aad islamarkaana afar boos hoos u dhacay inkastoo ay u soo baxeen Koobka Adduunka.
Xulka Italy oo isna si toos ah ugu soo baxay Koobka Adduunka ayaa soo galay kaalinta 4aad ee xulalka ugu sareeya Adduunka iyagoo ka soo kacay kaalinta lixaad.
Hadda Akhriso Liiska ay FIFA Soo saartay (10-ka ugu sareysa)
1- Spain
2- Argentina
3- Germany
4- Italy
5- Colombia
6- Belgium
7- Uruguay
8- Brazil
9- Netherlands
10- Croatia.
Hadddi aan idin xasuusiyo Xulkeena Soomaaliya ayaa Qiimeyntaan ka galay Kaalinta 205-aad halka Kenya ku jirto kaalinta 118aad, waxaana ay kor u soo kacday 11 boos, halka Jabuuti ay ku jirto 203, South Sudan ayaa iyadana ku jirta kaalinta 205aad.