Home » Maxaa Cusub » FIFA Oo Shaacisay Garsoorayaasha Qaban Doona Kulamada Argentina vs Nigeria & Holland vs Costa Rica

FIFA Oo Shaacisay Garsoorayaasha Qaban Doona Kulamada Argentina vs Nigeria & Holland vs Costa Rica


Xiriirka Kubada Caga Fifa ayaa ku dhawaqay in garsooraha reer talyaani Nicola Rizzoli uu garsoori doono kulanka u dhaxeeya wadamada Argentina iyo Belgiumka ee dhici dooan sabtida.

Garsoorahaan reer talyaani ayaa horay usoo garsooray intii uu tartankaan socday laba ciyaar oo ka tirsaneed wareega groupyada wuxuuna garsoore ka noqday kulankii Holland ay 5-1 ku xaaqday Spain iyo kulan ay Argentina 3-2 kaga adkaatay Nigeria.

42-jirkaan u dhashay dalka talyaaniga ayaa qabanaya kulankiisii ugu horeeyay wareeg isreeb-reeb ah.

Dhanka kale garsooraha reer Uzbekistan Ravshan Irmatov ayaa isna loo doortay inuu dhexdhexaadiyo kulanka dhexmari doona xulalka Holland iyo Costa Rica ee isla sabtida dhici doona.

Garsoorahaan reer Uzbekistan ayaa qabtay laba ciyaar isna wuxuuna dhexdhexadiyay kulankii USA iyo Germany ee 1-0 kusoo idlaaday iyo kii dhexmaray Croatia iyo Mexico.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Close