Home » Maxaa Cusub » FIFA Oo Ku Dhawaaqday Garsoorayaasha Dhexdhexaadin Doona Kulamada Quater Finalka Koobka Aduunka

FIFA Oo Ku Dhawaaqday Garsoorayaasha Dhexdhexaadin Doona Kulamada Quater Finalka Koobka Aduunka



Iyadoo wax ka yar 48-saacadood ay ka dhiman tahay in dib loo furo koobka Aduunka oo nasiino laba maalin ah qaadanaya hadana xiriirka FIFA ayaa ku dhawaaqay garsoorayaasha dhexdhexaadin doona kulamada ugu horeeya ee la ciyaari doono 4-ta July oo ay ciyaari doonaan xulalka Brazil vs Colombia iyo Germany vs France.

Brazil vs Colombia

Kulankaan dhexmari doona wadamad Latinka ah waxaa dhexdhexaadin doona tababaraha reer Spain Carlos Velasco kaas oo laba kulan horay usoo dhexdhexaadiyay intii uu socday tartankaan.

Kulamadii wareega groupyada ee dhexmaray Uruguay vs England iyo sidoo kale kulankii dhexmaray Iran iyo Bosnia Herzegovina oo ka tirsanaa groupka F.

Germany vs France

Kulankaan dhexmari doona hogaamiyayaasha yurub ee koobka Aduunka waxaa isna loo dhiibay garsooraha reer Argentina Nestor Pitana kaas oo isna intii uu tartankaan socday horay usoo dhexdhexaadiyay Sadex kulan.

Kulamadii Groupka ee Russia vs Korea, USA vs Portugal & Honduras vs Switzerland.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Close