Fernando Torres ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda Ac Milan kadib markii labada kooxood ay ku heshiiyeen in xidigaan laba sano amaah ah ugu ciyaaro Milan.
Maanta ayuu ka dagay Italy, gaar ahaan magaalada Milan, iyadoo si qurux badan loo soo dhaweeyay wuxuuna ka hadlay kusoo biiritaankiis Milan.
“Aad baan ugu faraxsanahay waxeyna ii tahay mudnaan gaar ah inaan xirto Maaliyada Milan” Ayuu yiri Fernando Torres
“Waxaan doonayaa inaan kooxda kusoo celiyo tartanka Champions League waxaana rajeynayaa inaan halkaan joogo sanado badan” ayuu mar kale yiri Torres.
“Waan ogahay iney halkaan joogaan ciyaartoy badan sida Lopez, Essien & Alex, Sidoo kale Demetrio Albertini isna waa saaxiib wanaagsan”
Fernando Torres wuxuu haatan ku sugan Yahay Milan, caafimaad ayuuna mari doonaa wuxuuna saxiixi doonaa heshiis laba sanadood ah oo la isku afgartay.