Fernando Torres ayaa u muuqda mid kusii dhawaanaya ka tagitaanka kooxda Chelsea una dhaqaaqo kooxda Ac Milan kadib markii wakiilkiisa uu wadahadal Mirodhalay la yeeshay kooxda ka dhisan dalka talyaaniga.
Weeraryahanka Chelsea ayaaa heshiis laba sanadood ah la gaaray Milan sida ay warbixinta tilmaameyso, iyadoo Milan ay ku qasbanaatay iney xidigaan ku iibsato 10 Malyan Oo Euro, madama laga soo diiday dalab amaah ah oo ay kol hore u dirtay kooxda ka dhisan galbeedka London.
“Kulanka wuxuu ahaa mid la isku afgartay, Torres waa macquul inuu Milan aado” Ayuu yiri wakiilka xidiga reer Spain Antonio Sanz.
“Waxey qaadaneysaa waqti inaan siino jawaab haboon, inkastoo Milan ay diyaar tahay” ayuu mar kale yiri.
Si Kastaba Blues ayaa ka walaacsan xaalada weerar ee kooxdeeda kadib markii Diego Costa uu dhaawac soo gaaray, waxaana la filayaa inu dhowr isbuuc garoomada ka maqnaado.
Torres waxaa loo ogolaaday inuu baxo goorhore, tababaraha Blues ayaana u dhaqaaqay soo xerogalinta weeraryahanka kooxda As Roma Mattia Destro.