Home » Maxaa Cusub » “Fashilka Liverpool Guul Kuma Heleyso Everton” Leighton Baines Oo Dajiyay Walwalka Liverpool

“Fashilka Liverpool Guul Kuma Heleyso Everton” Leighton Baines Oo Dajiyay Walwalka Liverpool


Baines

Walwal xoogan ayaa ka jira gobolka Mereyside-ka iyadoo xifaaltanka adag ee ka dhaxeeya kooxaha Liverpool iyo Everton uu hawada galay markii Reds ay hamuun u qabto in kooxda ay xifaaltamaan ay caawiso si ay horyaalka u hanato kulanka ay caawa ku martiqaadi doontaan Goodison Park Manchester City.

Liverpool ayaa caawinaad kaga baahan Everton iyadoo ka dooneysa iney barbaro ku celiso ama ka badiso Man City si Gerrard iyo wiilasha kale ee Reds ay fursad ugu helaan iney qaadaan horyaalka oo 2-kulan oo qura ay dhiman tahay.

Balse arintaas ayaa walaac ku yimid kadib markii lasoo wariyay war naxdin leh oo ah in Everton ay ku faraxsan tahay in laga adkaado hadiiba Liverpool ay ku fashilmeyso hanashada horyaalka.

Laighton Baines oo ka mid ah xidigaha ugu muhiimsan kooxda ayaa hoos u dhigay warkaas isagoo sheegay iney nafsad ahaan ula dagaalami doonaan Machester City isla markaana aysan u daneynin koox gaar ah marka ay Goodison Park ku qaabilaan caawa kooxda City.

“Fashilka Liverpool kuma heleyso Everton, waxaana u dagaalami doonaa hamigeena kaalinta afaraad” Ayuu Baines u sheegay Saxaafadda.

“Waa iney Taageerayaasha fahmaan in Fashilka Liverpool aysan kooxdu guul ku gaari karin ama aysan hamigeed ku gaareynin, yuusan idinla tagin xifaaltanka kooxda dariskiin ah hana dhuminina taageerada aad nasiin laheydeen kulanka caawa ee Manchester City” Ayuu Baines fariin ugu gubdiyay jamaahiirta kooxdiisa Everton.

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close