maalmihii dambe wargeysyada kasoo baxa dalka Spain ayaa bilaabay inay iska qoraan warar aan la hubin ayagoo horey u qoray in Kroos uu biiray Real Madrid isla markaas uu saxiixay shan sano oo heshiis taasoo markii dambe uu beeniyey Kroos kadib shir jaraa;id oo uu qabtay.
sidoo kale wargeysyada Spain ayaa qoray In Xidigga kooxda Monoca Radamel Falcao uu ku biiray Kooxda Heysata Champions League Real Madrid loona xiri doono Nambar 9, dhanka kalana waxay qoreen in Real ay qarka u saaran tahay inay heshiis la gaarto laacibka haya gool dhalinta Koobka Adduunka ee James Rodrioguez.
Haddaba waxaa arrintaas wax kama jiran ku tilmaamtay kooxda leh milkiyada labadaan Xidig ee Monoco waxayna si cad u sheegtay inaysan iibin doono labadaan xidig oo ay ku sheegtay inay muhiim u yihiin kooxda.
Madaxweynaha Kooxda Monoca Vadim Vasilyev oo shir jaraa’id qabtay ayaa saxaafadda u sheegay in Falcoa iyo Rodrioguez aysan jirin wax koox ah ay oo ay wadahadal kula galeen iibkooda.
” Ilaa Hadda Ma jirto wax go’aan ah oo ku aadan labadasn xidig, mana jiraan hal koox oo aan wadahadal kula jirno si ay nooga qaataan xidigaheena muhiimk ah” ayuu yiri.
” Falcoa wuxuu muujiyey karti iyo Cayaar Wanaag sanadkii uu nala joogay ee 2014-2015 waxaana rajeeneynaa inuu kooxda ku qanacsan yahay inuu la sii joogo”
Profile