Olivier Giroud, Benzema, Matiudi, Valbuena & Sissoko ayaa u sahlay in faransiiska ay guuldaro xanuun badan gaarsiiyaan Switzerland kulankii labaad ee wareega groupyada iyagoo si fiican ugu raaxeystay.
France ayaa bilowday bandhiga goolasha kadib markii Olivier Giroud uu madaxeeyay koorno ka timid Valbuena daqiiqadii 17-ad ee ciyaarta.
Blaise Matiuidi ayaa hogaanka u dheereeyay faransiiska markii qalad ay galeen Swiss-ka ay kubada gacanta u galisay Benzema kaas oo si Qatar ah ugu xaluuliyay Matiudi oo daqiiqadii 18-aad shabaqa dhexdhigay goolkii labaad ee faransiiska.
Xherdan Shaqiri ayaa u dhawaaday inuu goolka furitaanka u dhaliyo xulka Switzerland balse uma noqon.
Karim Benzema ayaa lagu riday xerada ganaaxa daqiiqadii 31-aad ee ciyaarta garsooraha ayaana ku abaalmariyay rigoore, balse isla Benzema oo usoo istaagay goolhaye Diego Benaglio ayaana ka badbaadiyay inkastoo Cabaye uu helay fursad uu gool ku dhalin karo birta ayaana ka beenisay isna daqiiqadii 32-aad ee ciyaarta.
Dhamaadkii qeyba hore ee ciyaara Faransiiska ayaa sii xumeeyay rajada Switzerland Olivier Giroud ayaa cawiyay Valbuena daqiiqadii 42-aad ee ciyaarta si sahal ah ayuuna shabaqa ugu hubsaday goolkii sadexaad ee faransiiska.
Xulka Faransiiska ayaa sameyanaya weeraro gaadmo ah mar kale Valbuena ayaa halis galiyay goolka Swiss daqiiqadii ugu dambeysay qeybta hore markii uu caawinaad ka helay Benzema balse goolhaye Benaglio ayaa ka diiday.
qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 3-0 oo ay hogaanka ku hayaan wiilasha Dechamps kuwaas oo wacdaro muujiyay, isku soo laabashadii qeybta labaad France ayaa halkeedii kasii waday cadaadiska ay ku heyso goolka Swiss.
Swisska ayaa helay fursadii ugu qaalisaneed ee ciyaarta markii Haris Seferovic ayaana helay fursad isaga iyo goolhayaha balse ugama faa’ideyn xulkiisa.
Si Kastaba Karim Benzema ayaa dhaliyay goolkiisii koowaad ee ciyaarta iyo kii Sadexaad ee koobka Aduunka markii uu caawinaad cajiib lehb ka helay Paul Pogba oo badal kusoo galay ciyaarta daqiiqadii 67-aad ee ciyaarta.
Faransiiska ayaa xasuuq sii sameeyay markii Benzema uu caawiyay Moussa Sissoko kaas oo goolkii shanaad ee faransiiska shabaqa dhexdhigay daqiiqadii 73-aad ee ciyaarta.
France oo la celi la’yahay ayaa halis galisay mar kale goolka Swiss iyadoo goolhaye Benaglio uu laba jeer gool ka badbaadiyay Matuidi iyo Benzema hal daqiiqo gudaheeda daqiiqadii 76-aad ee ciyaarta.
Switzerland ayaa heshay goolka calanka markii Dzemaili uu dhaliyay laad xor ah oo joog hoose ah daqiiqadii 81-aad ee ciyaarta kaas oo tirtiray ceebta gool la’aan ee Swiss-ka.
Switzerland ayaa mar kale shabaqa iyadoo goolkeedii labaad kaga mahad celineysa Xhaka xidiga la yiraahdo oo weerarka khadka dhexe kaga ciyaara daqiiqadii 87-aad ee ciyaarta.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa kusoo idlaatay 5-2 oo ay guusha ku raacday xulka Faransiiska oo hogaanka u haya groupka F iyagoo leh 6-dhibcood.