Waxaa si rasmi ah loo xaqiijiyay in haweyneda ku caan baxday ku luqeenta heesha hirgalay Shakira inay koobka aduunka heesta lagu daah furi doono iyada qaadi doonto, tani waxay ka dhigan tahay in tartankii labaad oo xariir ah ay Shakira hees ku furi doonto waxaan wada xasuusanaa in sanadii 2010 heestii (WAKA WAKA) furitaanka koobkii aduunka ee lagu qabtay dalka Koonfur Afrika ay iyada qaaday sidoo kale sanadkan 2014 FIFA World cup ee lagu qaban doono dalka Brazil bartamha bisha June Shakira ayaa hees ku daah furi doonto waxaana heestan cusub loogu magac daray ‘La La La’.
Shakira ooah gabadha uu qabo Gerard Pique ayaa ku faraxsan in labo jeer ay nasiib u yeelato dhacdada Sports ee caalamka ugu hadal heynta badan inay hees ku furto sidoo kale heestaan cusub ee la magac baxday ‘La La La’ aya laxankeeda lasoo bandhigay waxaana la sheegay in masuuliyiinta FIFA ay aad ula dhaceen, balse waxaa lala yaaban yahay in sanadkan cayaaraha aduunka labo heeso lagu furi doono waayo FIFA horey waxay isugu raaceen in heesta la magac baxday Pitbull oo ay muuqaal ku jirto Jennifer Lopez lagu daah furo sidaa darteed waa sheeko xiiso badan madaama xagaagan, labada hablood ee aan kala dhicin Shakira iyo Jennifer Lopez ay ku tartami doonaan masraxa cayaaraha aduunka!