Home » Maxaa Cusub » Falanqeynta Kulanka Xiisaha & Xamasada Leh Ee Wembley Ku Dhexmari Doona Ingiriiska & Jarmalka

Falanqeynta Kulanka Xiisaha & Xamasada Leh Ee Wembley Ku Dhexmari Doona Ingiriiska & Jarmalka

Wembley

Inkastoo kulanka caawo lagu wada balansan yahay uu yahay mid saaxiibtinimo hadana xulalka England iyo Germany waxaa ka dhaxaaeyo xifaaltan soo jireen ah sidaa darteed kulankan xamaasad dheeraad ah ayuu yeelan doonaa sidoo kale macalin Roy Hodgson iyo Joachim Low tijaabadad darsi weyn ayay u noqon kartaa madaama ay diyaar garow ugu jiraan koobka aduunka oo sanadka dambe lagu wada balansan yahay sidaa darteed natiijo walbo oo kasoo baxdo kulankan micno weyn ayay sameyn doonaa, sidoo kale kulankan ayaa kusoo beegmay xili FA ama xiriirka kubada cagta England ay u dabaal dagayaan sanad guuradoodii 150-aad waxayna u arkeen inay garoonka Wembley ku martiqaadaan reer Jarmal munaasab ku haboon.

Yaa maqan Yaase dib ugu soo laabtay labadan xul:

Dhanka xulka Jarmalka waxaa heesato dhibaato weyn madaama ay ka dhaawacan yihiin xidigaha xulkan ugu muhiimsan sida Bastian Schweinestieger, Sami Khedira, Ilkay Gundogan, Miraslov Klose, Mario Gomez iyo kuwo kale sidoo kale macalin Joachim Low ayaa nasiino u qoray xidigaha kala ah Mesut Ozil, Manuel Neuer iyo Philipp Lahm oo aan kulankan ka qayb qaadan doonin.  Xulka England waxaa dib ugu soo laabtay Daniel Sturridge balse kabtan Steven Gerard  iyo Rickie Lambert tijaabo caafimaad ayay mari doonaan ka hor inta uusan kulankan bilaabanin si loo xajiiyo inay ka qayb qaadan karaan balse xidigaha kala ah Phil Jones, Danny Welbeck, Michael Carrick iyo Jack Wilshere kulankan xiisaha badan kama qayb qaadan doonaan.

Dhacdo taariikhi ah oo kulankan la xariirto:

Xulka England waxaa ugu dambeesay sanadii 1975 oo ay garoonkooda Wembley kaga badiyaan Germany wixii markaas ka dambeeyay 5-kulan ayay Jarmalka soo booqdeen garoonka Wembley mana looga badinin!

Xulka Jarmalka sanadii 1996 ayay England rigoorayaal garoonka Wembley kaga badiyeen sidoo kalena 2000 waxay noqdeen xulkii ugu dambeeyey ee Webley ku badiyay waxaa intaas sii dheer markii Wembley dib loo dhisay guuldaradii ugu horeesay England waxay garoonkaan qaadka weyn kala kulmeyn isla xulka Jarmalka.

Guuldaradii macalin Roy Hogson uu kala kulmay xulka Chile jimacadii aan kasoo gudubnay ayaa noqotay midi 2-aad ee uu la kulmo asigoo xulka England leylinaayo 23-kulan.

Labadan xul tartan heer caalami ah oo ay wada cayaaraan waxaa isugu dambeesay sanadii 2010 waa habeenkii Germany ay 4-1 kaga badiyeen xulka England wareega 16-aad ee koobka aduunka oo lagu qabtay dalka Koonfur Afrika.

Line Up-ka macquulka ah oo ay labadan xul:

England: Hart, Cole, Jagielka, Smalling, Walker, Cleverley, Gerrard, Lallana, Rooney, Townsend, Sturridge

Germany: Weidenfeller; Schmelzer, Mertesacker, Hummels, Jansen; S Bender, L Bender; Reus, Gotze, Draxler; Muller


Waxaa Aqrisay: (194)

Xafiiska Wararka Hiilkubad

Mogadishu - Somalia

Hal Aragti Ayaa Laga Bixiyay: Falanqeynta Kulanka Xiisaha & Xamasada Leh Ee Wembley Ku Dhexmari Doona Ingiriiska & Jarmalka

  1. cabdi cusman c.qadir "ceynka" Reply

    November 19, 2013 at 10:08 AM

    caawa xulka jarmalka waxay england ku macsalameyn donta 3iyo 1 goolasha waxa kala dhalin donan mario gotse. Marco rous iyo ozil england by by

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>