Home » Maxaa Cusub » Falanqeynta Kulanka Saaxiibtinimo Ee Caawa Dhexmari Doona Germany vs Poland

Falanqeynta Kulanka Saaxiibtinimo Ee Caawa Dhexmari Doona Germany vs Poland


Germany-Team-World-Cup-2014

Macalinka xulka Jarmalka Joachim Low diyaar garowgiisa ugu horeeyo wuxuu caawo ka hortagi doonaa xulka

Poland madaama Jarmalka ay ka mid yihiin xulalka koobka aduunka loo sadaalinaayo macalinkan waaya araga ah ayaa doonayo inuu caawo guul ku bilaabo kulamada saaxiibtinimo oo ay koobka aduunka Jarmalka ugu diyaar garoobayaan balse caawo macalin Low wuxuu ku qasbanaan doonaan wiilashiisa dhalinta yar ee aan waaya araga ahayn inuu fursad siiyo sida Kevin Volland, Leon Goretzka and Max Meyer waayo xidigaha Bayern Munich iyo Dortmund oo xulka Jarmalka ka tirsan kulankan caawo kama qayb qaadan doonaan madaama sabtiga nagu soo fool leh labadan naadi cayaari doonaan kama dambeesta German Cup, sidoo kale sedexda laacib ee kooxda Arsenal Ozil, Podolski iyo Mertesacker kulankan ma safan doonaan madaama Arsenal iyadana todobaadka dambe Finalaha FA Cup-ka cayaari doonto.

Haka reebin Andre Schurrle iyo Miroslav Klose iyagana kulankan tijaabada ah ma safan doonaan madaama macalin Low uu fasaxay tani waxay ka dhigan tahay in caawo Jarmalka xidigo dhalin yar ay kulankan ku tijaabin doonaan waxaana hogaamiyaaal caawo noqon doonaan Lars Bender iyo Julian Draxler oo iyaga doonayaan inay macalin Low raali galiyaan si ay koobka aduunka Jarmalka boos joogto ah uga helaan.

Jarmalka iyo Poland guud ahaan waxay wada cayaareen 17-kulan dhamaan tartamada kala duwan xulka Jarmalka waxay guuleesteen 12-ka mid ah halka 5-kulana ay bar bar dhac ku kala baxeen sidaa darteed waxaa la sadaalinaa in kulankan Jarmalka ay guuleesan doonaan xitaa hadii xidigahooda waaya araga ah ka maqan yihiin madaama taariikh ahaan ay Poland ka nasiib badan yihiin.

Line Up-ka macquulka ah oo ay labadan xul caawo kusoo gali doonaan:

Germany: Zieler – S. Jung, Howedes, Ginter, Sorg – Kramer, Rudy – Goretzka, Draxler, Arnold – Volland

Poland: Boruc – Wojtkowiak, Szukala, Pazdan, Wawrzyniak – Krychowiak, Klich – Obraniak, Peszko, Rybus – Milik

Xiliga la daawan doono: 9:45 fiidnimo Live beIN Sports Arabia 4


Close