Home » Horyaalada » Bundesliga » Falanqeynta Kulanka Dhimashada: France Vs Germany Wareega 8-aad Ee Koobka Aduunka

Falanqeynta Kulanka Dhimashada: France Vs Germany Wareega 8-aad Ee Koobka Aduunka


France-vs-Germany-2014-World-Cup-Quarterfinals

Kulanka: 2014 FIFA World Cup, Quarter Final

Taariikhda/Saacada: July 4, 2014 • 7:00 PM Geeska Afrika

Garoonka: Estadio Jornalista Mário Filho (Maracanã), Rio de Janeiro

Garsooraha kulankan: Nestor Pitana waa 41-jir u dhashay dalka Argentina

Waxaa la hubaa in xul reer Yurub ah uu Semi-finalaha koobka aduunka u gubdi doono balse kulanka caawo dhex mari doono xulalka France Vs Germany waa mid miisaan culus leh waayo labadan xul taariikh ahaan xifaaltan soo jireen ah ayaa ka dhaxeeyo sidaa darteed cayaartan xamaasad ahaan mid aad u sareyso ayay noqon doontaa, inkastoo xulalka reer Yurub koobka aduunka 2014 uu ku noqday mid mixdan ah madaama fashil iyo cimilada oo kulul aawgeed ayay xulal badan koobka isaga hareen hadana France iyo Germany waxay doonayaan inay noqdaan xulkii ugu horeeyay ee reer Yurub ah kaasi oo qaarada Koonfur Ameerika ku qaado koobka aduunka!

Germany vs France Live Streaming

Marwalbo France Vs Germany markii ay iska hor imaadaan waxaa lasoo xasuustaa dhacdadii foosha xumeed waayo 1982 koobkii aduunka ee lagu qabtay dalka Spain waxaa Semi-finalaha tartankan isku soo beegmeen Franceiyo Germany kulankan 3-3 ayuu kusoo idlaaday kadib markii 30-daqiiqo oo dheeri ah lagu daray laakiin goolhayihii xulka Jarmalka Harold Schumacher ayaa si ula kac ah haraanti ugu dhuftay laacibkii hore ee xul France Patrick Battiston wuxuuna falkan sababat in Battiston uu miir daboolo garoonkana laga qaado weliba 2-ilkoob ayaa ka dhaceen  sidoo kalena 3-ka mid ah lafaha feerihiisa ayaa jabeen waxaa intaas usii dheer in lafta dhabarka uu tarar kasoo gaaray!

Fadlan Daawo Video-ka Muujinaayo Falkii Waalida Ahaa Ee Uu Schumacher Kula kacay Battiston:

Aqbaar Ku Saabsan Xidigaha Labadan Xul:

Tababaraha xulka Jarmalka Joachim Low waxaa saaran cadaadis xoogan madaama xidigahiisa aysan cayaar wanaagsan soo bandhigin kulankii Algeria la cayaareen wareegii 16-aad sidaa darteed saxaafada dalka Jarmalka ayaa soo jeediyeen in Mesut Ozil iyo Mario Gotze kulanka France la fariisiyo madaama aysan kubad wanaagsan soo bandhigin kulankii ugu dambeeyay waxaana la filaa in cayaartan lagu soo bilaabo Andea Schurrle. aqbaarta wanaagsan ee uu macalin Low niyada ku dhisanaayo ayaa ah in daafaciisa tayada wanaagsan Matts Hummels uu kulan diyaar u yahay kadib markii uu hargabkii haayay kasoo kabtay sidoo kale Lukas Podolski ayaa isna dhaawacii dhanka muruqa kasoo kabtay.

France vs. Germany Betting Odds, World Cup Prediction and Match Preview

Dhanka xulka France macalin Didier Deschamps isaga wax cadaadis ah ma saarno madaama uu ku guuleestay inuu dhiso xul awood badan waxaana dib ugu soo laaban doono kooxdiisa Mamadou Sakho oo dhaawacii muruqa kasoo kabtay balse lama hubo in lagu soo bilaabi doono madaama Laurent Koscielny uu cayaar wanaagsan soo bandhigay kulankii Algeria.

Dhacdo La Xariirto kulankan xiisaha badan:

  • Xulka Jarmalka waxay caawo cayaari doonaan markii 9-aad oo xariir ah wareega 8-aad ee koobka aduunka kulan ah!
  • Xulka France 10-kulan oo ay ku cayaareen ciida dalka Brazil kaliya hal kulan ayaa laga badiyay waxay guuleesteen 6-kulan sidoo kalena 3-kulan bar bar dhac ayay gudaha Brazil ku galeen taariikh ahaan!
  • Xulka Jarmalka waxay soo gaareen semi-finalaha koobka aduunka 3-tartan ee ugu dambeesay sida darteed hadii ay caawo semi-finalaha u gubdaan waxay dhigi doonaan iskoor cusub waayo taariikhda ma jiro xul 4-tartan oo xariir ah nu dhumaadka koobka aduunka soo gaaray.
  • 5-koob aduun ee xulka France kasoo gudbneen wareega 1-aad waxay ugu yaraan gaarayeen semi-finalaha tartankan (1958, 1982, 1986, 1998 iyo 2006).
  • Thomas Müller wuxuu xulka Jarmalka u dhaliyay tartankan 4-gool sidoo kalena 2-gool ayuu dhiibay taasi ayaa ka dhigan 66.7% goolasha ay Jarmalka dhaliyee tartankan inuu Muller ku lug lahaa.
  • Karim Benzema wuxuu sameeyay inta uu tartankan socday 12-kubadood goosha ku laaday waana laacibka xulka France ugu fursad helista badan.
  • André Schürrle 5-kulan ee ugu dambeesay ee uu xulkiisa Jarmalka u cayaaray wuxuu dhaliyay 5-gool!
  • Dhamaan 10-gool oo ay xulka France tartankan dhaliyeen waxaa la yaab ah inay dhamaantooda xariiqda 18-aad gudaheeda ku dhaliyeen ma jiro gool ay banaanka kasoo laadeen!
  • Xulka Jarmalka 15-kulan ee ugu dambeesay kulamada heerka caalami ah lagama badinin waxana guuleesteen 10-ka mid ah halka 5-kulana ay bar bar dhac galeen.

Taariikh Ahaan Kulamadii Ay Labadan Xul Horey U Wada Cayaareen:

Kulankii ugu dambeeyay oo ay labadan xul wada cayaareen wuxuu ahaa mid saaxiibtinimo wuxuuna ka dhacay magaalada Paris 6-Febraayo 2013 waxaana 2-1 ku badiyeen xulka Jarmalka  waxaa goolka ku hormareen xulka France oo uu u dhaliyay Mathieu Valbuena balse Jarmalka guusha waxaa gacanta u galiyeen xidigaha kala ah Thomas Muller iyo Sami Khedira.

Taariikh ahaan labadan xul way wada cayaareen 25-kulan oo isugu jiraan cayaar saaxiibtinimo iyo kulamo heer caalami ah waxayna kulankoodii ugu horeeyay wada cayaareen 1931, xulka France ayaa guul badan waxayna guuleesteen 11-kulan halka Germany ay iyaga badiyeen 8-kulan sidoo kalena 6-kulan bar bar dhac ayay ku kala baxeen, France 41-gool ayay Jarmalka ka dhaliyeen halka Jarmalka ay iyagana 42-gool dhaliyeen.

Marka laga hadlaayo koobka aduunka waxay labadan xul ku kulmeen 3-jeer ,xulka Jarmalka labo ka mid ah ayay guuleesteen halka France ay hal kulan dhankooda badiyeen:

1958 kaalinta 3-aad koobka aduunka: France 6-3 Germany

1982 semi finalaha koobka aduunka: Germany 3-3 France waxaa 8-7 rigoorayaal ku badiyeen Jarmalk

1986 semi finalaha koobka aduunka Germany 2-0 France.

Line Up-ka macquulka ay oo ay labadan xul caawo kusoo gali doonaan:

France: Lloris, Evra, Sakho, Varane, Debuchy, Matuidi, Cabaye, Pogba, Valbuena, Griezmann, Benzema

Germany: Neuer, Howedes, Mertesacker, Hummels, Boateng, Lahm, Kroos, Schweinesteiger, Ozil, Muller, Schurrle.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close