Barcelona ayaa ciyaareysa caawa booqashadii ugu horeysay xili ciyaareedkaan, iyadoo aadi doonta garoonka El Madrigal oo ay iska leedahay kooxda Villarreal.
Barcelona kulankii hore guul ayey ku bilowday iyadoo 3-0 ku dhaaftay kooxda yar ee Elche kulan xiiso lahaa oo ka dhacay garoonka Camp Nou ee gobolka Catalunya, iyadoo Lionel Messi uu laba jeer shabaqa soo taabtay.
Caawa Villarreal waxey kala hortagi doontaa, koox heysata sadex dhibcood, Villarreal waxey kulankii hore 2-0 kaga soo farxalatay kooxda Levante kulan ay marti aheyd.
Sidoo kale kooxda reer Spain waxey todobaadkii hore dhamaadkiisa iska xaadirisay wareega groupyada ee tartanka UEFA Europa League markii ay kasoo gudubtay kooxda FC Astana ee dalka Khazakhstan.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Villarreal vs Barcelona
Tartanka: La Liga Spain
Garoonka: EL Madrigal
Saacada: 8:00 Fiindimo (Xiliga Geeska Afrika)
YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA KULANKA CAAWA?
Kooxda Villarreal ayaan dareemi doonin wax dhibaato ah ka hor kulanka ay wajahayaan Barcelona, dhamaan wiilasheedana waxey diyaar u yahiin iney guul u diidaan ama guuldaro ku ridaan tababare Luis Enrique.
Dhanka kale Andreas Iniesta ayaa la filayaa inuu ka maqnaado Barcelona, iyadoo Neymar JR uu dhaawac kasoo laaban doono, waxaa intaas sii dheer in Gerard Pique uu kasoo laaban doono ganaax isagoo booska ka badali doono Mascherano oo ganaax ku maqan.
Sidoo kale saxiixa cusub ee kooda Douglas Pereira ayaan qeyb ku lahaan doonin kulankaan halka Vermaelen iyo goolhaye Stegen ay wali dhaawacan yahiin.
Muniir El Hadddadi ayaa filanaya inuu kusoo bilowdo isagoo ka garab ciyaari doona Neymar iyo Lionel Messi oo kusoo bilaaban doona kulanka caaw.a
KULANKII UGU DAMBEEYAY:
Labaadaan kooxood waxey kulmeen 27-kii April, 2014, kulankii ugu dambeeyay kaas oo ka dhacay garoonka El Madrigal ciyaar kusoo dhamaatay 2-3 oo ay guusha ku raacday kooxdii martida aheyd ee Barcelona.
Villarreal ayaa hogaanka ciyaarta qabatay markii laba gool ay ka heshay Cani iyo Trigueros, balse laba kama gool ah oo ay iska dhaliyeen Musacchio iyo Paulista ayaa ka dhigtay barbardhac iyadoo Lionel Messi uu sadexda dhibcood u xalaaleeyay Barcelona gool gadaal ka yimid.
DHACDADA LAGA XUSUUSTO KULANKAAN:
Kulankaan wuxuu leeyahay xusuus gaar ah madama taageerayaasha kooxda Villarreal ay moos kusoo tuureen Dani Alves oo taagan koornada, balse xidiga reer Brazil ayaa sameeyay dhaqan ka hirgalay aduunka oo ku dayasho badan keenay isagoo cunay mooskii.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
Barcelona:
(4-3-3): Bravo; Alves, Piqué, Mathieu, Alba; Busquets, Xavi, Rakitić; Pedro, Messi, Neymar
Villarreal
(4-2-2-2): Asenjo; Rukavina, Gabriel, Musacchio, Costa; Bruno, Pina; Trigueros, Cani; Uche, Giovani