Home » Europe » Europe League » Falanqeynta Kulamada Semi Finalka Europa League Ee Caawa Ka Dhacaya Qaarada Yurub

Falanqeynta Kulamada Semi Finalka Europa League Ee Caawa Ka Dhacaya Qaarada Yurub


europa-league-draw-semi-finals

Caawa waxaa la filayaa in qaarada yurub ay ka dhacaan laba kulan oo ka tiran tartanka labaad ee ugu wanaagsan qaarada yurub ee Uefa Europa League kooxahaan ayaana ciyaaraya lugtodii labaad ee Semi Finalka waxaana laba ka mid ah ay u gudbi doontaa finalka tartanka oo lagu qaban doono Turino bishaan May bartamaheeda.

Kulamada dhacaya caawa waxaa ka mid ah: Juvnetus vs Benfica iyo Valencia vs Sevilla, xog ayaan idinkaga diyaarinay oo ku saabsan labadaan kulan.

JUVENTUS VS BENFICA

Kulankaan wuxuu ka dhici doonaa garoonka lagu qaban doono finalka tartanka ee Juventus Arena lugtii hore ayeyna labadaan kooxood kusoo kala baxeen 2-1 oo ay guusha ku raacday kooxda martida loo ahaa ee Benfica.

Si Kastaba caawa ayey kala cadaan doontaa cida gaari doonta finalka marka ay labada koox is wajahaan lugta labaad ee Semi Finalka, Lima ayaana goolka looga adkaaday Juventus kasoo dhaliyay.

YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?

Koxoda martida loo yahay ayaa heleysa madaalahoda reer Chile Arturo Vidal kaas oo dhaawac dhanka jilibka ah kasoo kacay, waxaana sidoo kale weerarka iska kaashan doona Tevez iyo Llorente.

Dhanka kale Benfica ayaa weyn doonta Ljubomir Fejsa iyo Andre Gomes kuwaas oo dhaawac iyo ganaax kaga maqan kooxda.

Eduardo Salvio ayaana qeyb ka noqon doona kulankaan.

Kooxda Juventus ayaana ah kooxda kaliya ee talyaniga u mataleysa qaarada yurub xiligaan, kulankaana waxaa garsoori doona garsooraha reer Ingiriiska Mark Clattenburg.

VALENCIA VS SEVILLA

Kooxdii ku guuleystay tartanka Europa League 2007 ee Sevilla ayaa lug la gashay Finalka tartanka markii ay guriigeeda 2-0 kusoo qaarijisay kooxda ay isku wadanka yihiin ee Valencia inkastoo ay xusuusan tahay in Valencia ay Mastella cashar ugu dhigtay Basel oo looga adkaaday 5-0 xili 3-0 looga soo adkaaday guriga Basel.

Si Kastaba Sevilla oo bar garaneysa qaab ciyaareedka kooxda Valencia ayaa caawa ku kalsoon iney usoo bixi karto Finalka Europa League markii ugu horeysay mudo 7-sano ah.

YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?

Alcacer oo ahaa xidigii sadexleyda ka dhaliyay Basel ayaa ganaax ku maqan caawa, sidoo kale Romeu ayaa dhaawac looga shaki qabaa.

Dhanka kale Sevilla ayaa weyneysa Carrico oo daafaca kaga ciyaara.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close